Qore: Bassam Michael MadanyWar kuma yara adduunka Carabta haddii aad eegtid wargeysyada la daabaco iyo internet-kaba. Wararka saaka igaga soo hor baxay ilo-wareedyo kala duduwan waxaa ka mid ahaa: "Dadaalka Iraan ugu Jirto inay Saamayn Dheeraad ah ku Yeelato Ciraaq iyo Siiriya oo Kacdoon lagala Hor Yimid." "Madaafiic ay Maleeshiyada reer Gaza ku tuureen Israa'iil ayaa Israa'iil duqayn kaga jawaabtey." Iyo mowduucyo kale oo aan haba yaraatee wanaag ku sallaysnayn sida kooxo Liibiya jooga oo madaxnimada isku haysta, colaadda Siiriya iyo qolooyinka badan ee gacanta kula jira iyo wixii la mid ah. Haddii dhinac kale laga eego, haba yaraatee warbaahinta caadiga ahi waxba kamay odhan isbeddelka ka socda bulshooyinka Carabta dhexdooda ee tusaya sida xawliga ah ay dhallinyaradu diinta Islaamka uga "sii qulqulayaan." Laga yaabee inay warbaahinta reer Galbeedku mowduucan u arkaan mid xaasaasi ah oo ay tahay in laga aamuso! Waxaan daawaday barnaamijka Brother Rachid (Walaal Rashiid) ee la yidhaahdo "Su'aal Dhiiran" ee laga sii daayo Telefishinka Al-Hayat, kaas oo la sii daayey 1-kii Maajo. Wuxuu isagu la macaamilooday "mowjado Muslimiin ah oo ku baahsan Adduunka Carabta oo ka baxaya diinta Islaamka" Wuxuuna yidhi, "tani waa mid caddayn loo hayo."
Wuxuu isagu is weydiiyey sababta ay Muslimiinta sidaa u tirada badani uga baxayaan Islaamka! Ma warbaahinta ayaa sabab u ah: Internet-ka, YouTube, Facebook, iyo Paltalk? Waxaa intaa sii dheer inay dhallinyarada Carabta ee Muslimiinta ahi si aan kala joogsi lahayn uga sii "qulqulayaan" Islaamka iyada oo haddana lagu hayo cadaadisyo badan, silcin, cagajugleyn, iyo xabisaad! Ma jirtaa si lagu joojin karo arrintan? Waxaan fahmayaa inuu warkani yaab ku yahay dadka uu meelaha ay warkooda ka helaan ku kooban yahay joornaallada ama ha la daabaco ama internet-ka ha ka akhristeene. Waa suurtogal inaan isbeddelladan Adduunka Carabta ka dhacaya la siin muhiimadda ay leeyihiin. Brother Rachid wuxuu barnaamijkiisa ku bilaabay buug dhowaan lagu daabacay Marooko oo cinwaankiisu yahay "Maghariba La-Deeniyoun" ("Marookaanka bilaa Diinta ah.") Qoraagu wuxuu soo xiganayaa dhallinyaro Marookaan ah oo si aan gabasho lahayn u qirtay diin la'aantooda iyo sidii ay "uga xorroobeen caado 1400 jirta oo cabudhin miidhan ah." Gabadh Marookaan ah oo siddeed iyo toban jir ah ayaa sidan sabab uga dhigtay diinta ay ka baxday: "Waxaan ogaadey inuu sayniska casriga ahi caddeeyey in caqiidooyinka Islaamka ee ugu muhiimsani been yihiin." Gabadhan dhallinyarada ah oo magaceeda Safa la yidhaahdo ayaa sii sharraxaysa in waxa Islaamka ku diray ay tahay caqiidada la yidhaahdo Qadar-ta. "In wax kastoo nolosheena ah hore loo sii qoray, waa wax aan caqligal ahayn oo aanan aqbali karin! hadda shaki weyn baan diinta Islaamka iga galay, mardhowna waxaa laga yaabaa inaan diin-laawe noqdo." Mid dhallinyaro ah oo Marookaan ah ayaa sidan u sharraxay, "hadda meelo badan ayaanu aqoonta ka helnaa, oo gidaarkii aqoonta naga horjoogey waxaa dumiyey internet-ka. Waxaan awoodaa inaan waxa Islaamku barayo barbardhigo waxbaridaha kale; tan oo ii horseeday inaan iskaga tago iimaankaygii caadada ahaa (Islaamka)." Mid dhallinyaro ah oo qalbi wanaagsan ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay aayadaha Quraanka qaarkood, kuwan oo aasaas u ah ciqaabaha Shareecadu dhigayso, sida tuugta oo gacmaha iyo lugaha laga jarayo, "tani waxay ii keentay inaan Islaamka iskaga tago." Markii uu Barnaamijkii Brother Rachid intaa marayey, ayuu dadkii daawanayey khadkii telefoonka u furay. Telefoono ayaana ka soo dhacay qaybo kala duwan Adduunka Carabta ah Waa kuwan qaar aanu telefoonadaa ka soo qaadanay: Telefoonkii Leyla oo ah gabadh Marookaan ah oo ku nool meel ka baxsan Adduunka Carabta: "Waxaan ahaan jirey Muslimad diinta ku dhaqanta: afar sanno ayaan Sucuudi Carabiya ku noolaa. Guurkii ayaa iga daahay, sidaas oo ay tahay waxaa igu jirtey doonis weyn oo ah inaan hooyo noqdo. Waxaa igu dhallatay inaan cunug aan waalid lahayn korsado oo hooyo u noqdo 'adoption.' Waxaan ogaadey in Marooko, sida waddammada ee Islaamka ay mamnuuc ka tahay inaad ilmo aadan dhallin korsato oo aad waalid u noqotaa! Yaab bay igu noqotay inaan taas ogaado, dabadeedna waxaan sababta ka eegay Quraanka (Suuradda Al-Asxaab 33:37), halkaas ayaana sababta ka helay. "Maxamed ayaa damac ka galay inuu guursado Seynab, xaaskii uu qabey wiilkii uu sidii ilmihiisa oo kale u koriyey (adopted) ee Sayd la odhan jirey. Markaa, aayad gaar ah baa ku soo degtey taas oo u oggolaanaysa inuu Seynab guursado. Dabadeedna, wuxuu nasakhay inuu Sayd wiilkiisa uu korsaday yahay, si ay ugu ekaato inuu guursadey dumaashidii. Dabadeedna wuxuu sharciyeeyey inay islaamka dhexdiisa xaaraan ka tahay inaad cunug aadan dhallin sidii ilmahaaga u korsato! Tani waa aayadda Quraanka ku jirta ee xaraamaysa "adoption"-ka ama ilmo aadan dhalin aad sidii waalid ahaan u korsatid: "(Xusuuso) markaad ku lahayd kii Eebbe u nimceeyey, adna aad u nimcaysay (Zayd Binu Xaarithaah) hayso haweeneydaada Eebbena ka yaab. Naftaada aad ku qarineysey wax Eebbe muujin, ood kana cabsanaysid dadka (xishoonaysid) Eebbaana u muta in laga cabsado (lagana xishoodo). Markuu Zayd dantiisii ka dhammaystayna (is fureena) aan kuu guuriyey si ayan wax dhib ah u ahaanin Muuminiinta (hadday guursadaan) haweenka ay fureen kuway wiilal ka dhigteen (iyagoon dhalin) amarka Eebbena waa kii la fuliyo." Suuratul Axsaab:37. Leyla ayaa hadalkeedii sii wadatay, "Maalin ayaan TV ka daawaday wadaad diinta Islaamka ku takhasusay oo maagayey barnaamijka Brother Rachid. Dabadeedna, waxaan maqlay Daacish (ISIS) oo 21 Masiixiyiin Masaari ah qoorta ka guray oo diley. Waan isku xishooday inaan haweeney Muslin ah ahay. Waxaan bilaabay inaan barnaamijka Brother Rachid sii daawado. Barnaamij ayuu isku barbardhigay Quraanka iyo Injiilka. Markii ugu horreysey waan diidey inaan rumeeyo wixii uu sheegay, oo waxaan rajeyeyney inuu ku khaldanaa. Sidaas oo ay tahay, markii aan kitaabadii dib ugu noqday, waxaan ogaadey inuu isagu 100% run sheegayey." "Wixii Ilaahay ku saabsanaa ee Islaamku i baray oo dhan baa is beddeley. 'Allah' wuxuu u muuqdaa mid xoog weyn, oo isla weyn, oo aan bini'aadanka dan ka lahayn daryeelna u hayn. Waxaan bilaabay inaan Injiilka akhriyo, laakiinse, sharraxaad dheeraad ah baan u baahday." "Maaddaama aan Yurub ku noolaa, waxaan raadiyey wadaad Masiixi ah oo i fahansiiyey caqiidada Masiixadda. 2017-dii ayaa i baabtiisay oo waxaan doortay magaca Hannah, taas oo ahayd nebi Saamu'eel walaashiis...Noloshaydii oo dhan baa gudaha iska beddeshey, oo waxaan helay nabad xagga qalbiga ah. Hadda, waxaan dareemayaa inaan Ilaahay u dhowahay. Waxaan ku duceeyaa inay Muslimiin badan oo adduunka ku noolli ogaadaan inay Masiixiyaddu tahay akhbaarka samaawiga ah. Waxaan dadka daawanaya la qaybsanayaa aayaddan: "Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno" (Fallimaha Rasuullada 4:12). Qisada Axmed: Axmed wuxuu ka soo jeedaa Ciraaq oo wuxuu ka dhashay reer Shiico ah. Dhammaadkii 2016-dii ayaa Daacish soo gashay magaallada Mosul oo ay nacaybkoodii dartii bilaabeen ficilladoodii baaba' iyo burburka ahaa. Arrintani dhakafaar ayay Axmed ku riddey, wuxuuna yidhi, "Waxaan bilaabay inaan Suuradaha Quraanka ee Madiiniga ah (622 ilaa 632) baadhitaan ku sameeyo, oo waxaan ogaadey inay Islaamiyiintaas xagjirka ahi toos ugu dhaqmayeen waxa suuradahaasi barayaan. Tusaale ahaan, Suuradda Towba 9:5, waxaa Muslimiinta lagu amrayaa inay laayaan dadka aan Muslinka ahayn: "Marakay faydmaan bilaha xurmada leh ku dila gaalada meeshaad ka heshaan qabtana (qafaasha). Go'doomiya una fadhiista meel gabasho ah oo dhan..." Isla Suuraddaas ayaa odhanaysa: "Eebbe wuxuu kaga gatay Mu'miniinta naftooda iyo xoollahooda inay janno u ahaato iyagoo ku dagaallami jidka Eebbe oy waxna dili iyagana la dili, waana yabooh ku sugan (dhaba) Towreed iyo Injiil iyo Quraanka. Yaa ka oofin badan ballankiisa Eebbe ku bishaaraysta gaadidii aad gaaddeen kaasina waa uun liibaanta weyn." Suurada Towba: 111. "Baadhitaan dheeraad ah ayaan u baahday, waayo, aayadahani waxay dhiiriggelinayeen oo aad u xayaysiinayeen dagaal, baaba', nacayb!" Markaa, waxaan bilaabay inaan daawado TV-yada Masiixiga ah sida barnaamijka "Su'aal Dhiiran" iyo barnaamijka Father Zakariya. Tani waxay i tustay sida uu Islaamku u khaldan yahay. Markii aan bilaabay inaan la xidhiidho Masiixiyiin ku nool Algeeriya iyo Ingiriiska, waxaan ogaadey inay jiraan dad sidii mowjadda Islaamka uga baxaya." Qisada Elizabeth oo reer Tuunis ah: iyadu waxay ka sheekaysay jidkii ay caqiidada Masiixiyadda u soo martay: "Waxaan rumaysanahay inuu beri horeba Ilaahay iigu yeedhay inaan Maxiisi noqdo. Waxaan aad uga heli jirey sida ay Masiixiyiintu u dhaqmaan; noloshoodu aad bay taayada uga duwanayd! Maxay Muslimiintu dadkan ugu yeedhaan "Kufaar?" Markii aan ka fekerey waxyaallaha Adduunka Islaamka ka dhacaya, dilka aan joogsaneyn iyo dagaallada sokeeye, aad bay taasi ii taaabatay! Riyooyin baqdin leh ayaa dhibaato ii geystey! Waa Ilaahay mahaddii inaan fursad u helo inaan TV Masiixi ah daawado oo aan Ciise Masiix barto. Isaga ayaan rumeeyey inuu yahay Badbaadiyaha Iskutallaabta lagu qodbay ee Sarakacay. War maxay farxad lahayd in la iga furo silsiladihii khasabka ahaa ee Islaamka igu hayey." Maryam oo reer Marooko ah ayaa iyana tidhi: "Ilaa berigaan yaraa, caqiidada Masiixiyadda waan ka heli jirey. Waxaan ku noolaa magaallada Kaasabalanka, oo waxaan arki jirey Masiixiyiin ajnabi ah oo kaniisadda tegaya. Kaniisadda ayaan u dhuuman jirey oo si aan wax uga ogaado waxa ay Masiixiyiintu rumaysnaayeen. Maalin ayaan dhegeystey wadaad Muslin ah oo TV-ga ka caayaya nin Marookaan oo ah oo uu yidhi wuu riddoobey oo Brother Rachid la yidhaahdo; wadaadkaasi aad iyo aad buu isugu deyey inuu tuso sida uu Brother Rachid ugu khaldanaa inuu Quraanka qaadaa-dhigo oo khaladaadkiisa soo saaro. Markii aan mowduucan sii baadhay, waxaan ogaadey inuu Brother Rachid saxsanaa. Taasi waxay igu dhalisay inaan wax Islaamka ka duwan raadsado, tan oo keentay inaan Masiixa rumeeyo." Ugu dambayntii wuxuu Brother Rachid barnaamijkiisii ku sheegay website-yo badan oo tusaya sida ay u tirada badan yihiin dadka Islaamka ka baxayaa. Wuxuuna tusaale gaar ah u soo qaatay waddanka Iiraan oo ay ugu tiro badan yihiin dadka dhallinyarada ah ee Masiixa rumaynayaa, isagoo soo xigtey buug 2014 la qoray oo la yidhaahdo "TOO MANY IN JAIL (KUWO AAD U TIRO BADAN BAA XABBISAN)" Islaamka laga sii qulqulayo waxaa dheer inay dhallinyaro oo Carab ahi si toos ah ugu fallaagoobayaan. Maalintii Isniinta ee Maajo 2018, ayaa TV-ga internet-ka ee France 24 lagu sheegay inay koox dhallinyaro oo reer Tuunis ahi ku banaan baxeen faras-magaalaha magaallada Tuunis, iyagoo u doodaya xuquuqda ay u leeyihiin inay biyo cabaan xilliga Ramadaanka. Mid baa sidey boodh uu ku qoran yahay Bila Sayf (seef la'aan)..." Dhacdan oo kale waxay hore u dhacday 2017-dii, markaas oo uu mid dhallinyaradaa banaan baxaysey ahi biyo cabayey, gabadh aan xijaabneyna ay rooti cuneysey iyadoo ay Ramadaan tahay! Waxaa cad inay si aan gabasho lahayn u soo badanayaan cabashooyinka iyo ku fallaagowga diinta Islaamku! Intaanay internet-ku jirin, Muslimiintu waxa ku noollaayeen "sanduuq", sida uu cilmiyahanka reer Masaariga asalkiisu yahay ee Hamid Abdel-Samed u dhigay. Hadda, kuwo badan ayaa "sanduuqii" ka soo baxaya! Brother Rachid wuxuu ku soo gunaanadayaa, "Internet-ku waa dhibtii ugu xumayd ee Islaamka ku dhacday ilaa iyo intii diintaa la aasaasay 1400 oo sanno ka hor!"
0 Comments
Your comment will be posted after it is approved.
Leave a Reply. |