Somali Believers Fellowship
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Maalinta Bentekoste: Dhalashadii Kaniisadda

20/5/2018

0 Comments

 
​Qore: Abdi Duale
Faafiddii Injiilka waxaa saldhig u ahaa Amarkii Weynaa ee Ciise Masiix xertiisa siiyey ka hor intii uusan samada u bixin, ee uu iyaga ku yidhi, ”Taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa, oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray,” (Injiilka, Matayos 28:19, 20). Maaddaama ay faafinta Injiilku ahayd mas’uuliyad aad u weyn, waxay ahayd in xertii lagu xooggeeyo awoodda Ilaahay si ay amarkan u fuliyaan {xasuuso inaanu Injiilku ku faafin seef iyo jihaad}. Sidaas daraaddeed, ayuu Ciise Masiix xertiisii aadka u tirada yarayd ku yidhi, “Jooga magaallada {Yerusaalem} ilaa xoog laydinka huwiyo xagga sare” (Injiilka, Luukos 24:49). Iyagoo awooddan Ilaahiyanka ahi xooggeyneyso ayay kari dooneeyn inay Masiixa uga markhaati kacaan, “Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog” (Falimaha Rasuullada 1:8).
​Maanta oo Axad ah, waxay Masiixiyiintu xusayaan maalinta loo yaqaano Bentokoste {waa af Giriig, la mance ah 50 maalmood kaddib}, tan oo dadka qaarkood ugu yeedhaan maalintii kaniisaddu dhalatay. Axdigii Hore, maalinta Bentekoste waxay ahayd dabaaldeg ay Yuhuuddu dhigi jireen 50 maalmood kaddib maalinta Kormaridda (Laawiyiintii 23:6). Axdiga Cusub-se, maalintaa Bentekoste ayaa Ruuxa Quduuska ahi xertii Ciise Masiix si awood weyni ka muuqato ugu soo degey, “Oo kolkii maalintii Bentekoste la gaadhay, meel bay kulligood wada joogeen. Oo waxaa filanla'aan samada ka yimid sanqadh sida dabayl xoog leh oo aad u dhacaysa, oo waxay buuxisay gurigii ay fadhiyeen oo dhan. Markaasaa carrabbo u kala qaybsamaya sida dab oo kale iyaga u muuqday oo ku dul fadhiistay midkood kasta. Kolkaasaa waxaa kulligood ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo waxay bilaabeen inay afaf kale ku hadlaan sidii Ruuxu iyaga u siiyey hadalka” (Falimaha Rasuullada 2:1-4).

Imaanshaha Ruuxa Quduuuska ahi wuxuu kaamilay ballanqaadkii Ciise xerta hore ugu sameeyey ee ahaa, “Oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.” (Injiilka, Matayos 28:20). Ruuxii Masiixa, ayaa iyaga hadda la joogey oo weliba ku xooggeynayey inay Injiilka badbaadada gaadhsiiyaan adduunka oo dhan.

Ka hor intii aanu Ciise imaan, in Ilaahay ku doorto waxay ka dhignayd inaad Yuhuudi tahay, ama qaadato diintii, dhaqankii, iyo caadooyinkii Yuhuudda, laakiinse, Kitaabka Nebi Yoo’eel {586 Ciise ka hor} ayaa Ilaahay kaga sii dhex waxyoodey inay jiri doonto maalin, tan oo uu Ilaahay ka yidhi, “Anigu ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan, oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, oo odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan, oo raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan” (Yoo’eel 2:28), waxyiganina wuxuu kaamilmay Maalintii Bentekoste. 

Ruuxa Quduuska ahi wuxuu maalintaa xerta awoodsiiyey inay Injiilka u sharraxaan dadkii ka kala socdey quruumaha kala duduwan ee halkaa joogey, iyaga oo xataa ku hadlaya luuqado aanay weligood baran (Falimaha Rasuullada 2:7-12), tan oo calaamad u ahayd inuu Injiilku u yimid dadka adduunka oo dhan. Dadku, dhaqan iyo luuqad kasta ha lahaadeene waxay hadda noqon kareen kuwo Ilaahay doortay, oo uma ay baahnayn inay diintii iyo caadooyinkii Yuhuudda qaataan. Iyaga oo dhaqankooda haysta, oo luuqaddooda ku hadlaya, ayay haddana Ilaahay u imaan kareen, oo meel kasta ha joogeene, waxaa iyaga loogu yeedhayey inay toobadkeenaan oo Injiilka rumeeyaan (Falimaha Rasuullada 2:38-39). Butros oo xertii Ciise Masiix ka mid ahaa oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo ayaa halkaa ka wacdiyey, oo "Markaasaa kuwii hadalkiisii aqbalay la baabtiisay, oo waxaa maalintaas lagu daray iyaga abbaaraha saddex kun oo qof" (Falimaha Rasuullada 2:41).

Maalintii Bentekoste ka hor, xertu aad bay u cabsanayeen oo weli si dhiirran Injiilka uma ay faafineyn, laakiinse, maalintaa ka billaabata si dhiirran ayay Injiilka ugu faafiyeen meel kasta oo tageen, xataa iyaga oo aad loo silcinayey iimaankooda dartiis. Ruuxa Quduuska ahi wuxuu maanta ku lammaan yahay qof kasta oo Masiixi ah, oo awoodsiiyaa inuu Erayga Ilaahay fahmo oo uu adeeco, “Innagase Ilaah baa inoogu muujiyey Ruuxa, waayo, Ruuxu wuxuu baadhaa wax kasta, xataa waxyaalaha hoos u dhaadheer oo Ilaah” (1 Korintos 2:10). Ruuxa Quduuska ahi, wuxuu Masiixiyiinta awoodsiiyaa oo kale in noloshooda laga dhex arko inay yihiin kuwii Ilaahay oo ay dhaliyaan Midhaha Ruuxa Quduuska ah, “Midhaha Ruuxu waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo, qabownimo, iscelin; waxa caynkaas ah sharci ka gees ahu ma jiro” (Galatiya 5:22).
​

Ilaahay waa awood badan yahay, oo uma baahna inuu doonistiisa dadka ku ogeysiiyo oo kaga dhaadhiciyo dagaal iyo khasab, sida ay qaar diimaha adduunka ka jira ahi aaminsan yihiin ama sameeyaan, laakiinse, wuxuu Ilaahay tusay inuu dadka qalbiyadooda iyo noloshooda kaga dhex shaqeeyo Ruuxiisa Quduuska ah, si ay Isaga u gartaan, u aaminaan, oo ugu adeegaan. Xertii Ciise Masiix ee maalintaa Bentekoste iyo ta maantuba way og yihiin, in ugu dambaysta uu Ilaahay yahay ka amaan oo dhammi u sugnaatay, ee iyaga ku xooggeynaya inay Isaga u adeegaan oo Injiilka badbaadada gaadhsiiyaan kuwa mugdiga ku jira, “Laakiin hadalkayga iyo wacdigayga kuma aan hadlin hadallo sasabasho iyo xigmad ah, laakiin waxaan ku hadlay tusidda Ruuxa iyo xoogga” (1 Korintos 2:4).
​

“Nimcada Rabbi Ciise Masiix iyo jacaylka Ilaah iyo wehelnimada Ruuxa Quduuska ahu kulligiin ha idinla jireen” (2 Korontos 13:14). Aamiin.
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    Picture

    Author: Abdi Duale

    Archives

    September 2019
    November 2018
    September 2018
    June 2018
    May 2018
    April 2018
    March 2018
    December 2017
    August 2017
    May 2017
    February 2017
    December 2016
    November 2016
    September 2016
    August 2016

    RSS Feed

    AKHRISYO DHEERAAD AH
    (Guji sawirka oo akhriso)
    Picture
    Picture
    Picture
    Picture
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub
​
Jesus Film  (Somali)
Brother Rachid   (Arabic)
Middle East Resources (English)



​© COPYRIGHT 2019 Somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US