Somali Believers Fellowship
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Isu Ekaanshaha: Culimada Soomaalida iyo Wadaadadii Faariisiinta

24/4/2018

2 Comments

 
Qore: Abdi Duale
Picture
​Muddo dheer oo aan Injiilka akhrisanayey waxaa maalinba maalinta ka dambeysa ii soo caddaaneysey oo igaga yaabineysey isu ekaanshaha aadka weyn ee ay wadaagaan culimada Soomaaliyeed ee maanta badankooda iyo wadaadadii Yuhuudda ee Faarisiinta la odhan jirey ee wakhtigii Ciise, kuwaas oo ugu yeedhay “laba wejiileyaal.” 
​
Faarisiintu waxay ahaayeen wadaadadii Yuhuudda ee ugu muhiimsanaa wakhtigii uu Ciise Masiix adduunka joogey. Waxay isu haysteen inay ahaayeen kuwa ugu xaqsan, ugu fiican, ugu quduusan, oo u qalma inay dadka hoggaan u noqdaan. Sharciyadii Towreedda ayay sii balaadhiyeen oo ka dhigeen kuwa aanay suurtogal ahayn inay dadku dhowraan. Waxay keliyoo had iyo goor ku mashquulsanaan jireen inay naftooda, dadka kale iyo Ilaahay tusaan sida ay ehlu-diinka u yihiin oo ay qaynuunada u dhowraan, kuwaas oo ay dhab ahaantii iyagu qorteen. Qoraalkan waxaynu ku eegeynaa qaar ka mid ah dabeecadihii iyo hab dhaqankii khaldanaa ee uu Ciise Masiix ku arkay Faarisiinta kuna eedeeyey, kuwan oo si toos ah looga arko culimada Soomaalida ee maanta badankooda. Dhowr aayadood ayaynuna ka soo xiganeynaa Injiilka Quduuska ah:

  1. ​Waxay ka tageen qaynuunadii Ilaahay oo waxay diin ka dhigeen sharciyo dad sameeyey iyo caadooyin, “Idinku qaynuunkii Ilaah waad ka tagtaan, oo waxaad xajisaan xeerka dadka” (Injiilka, Markos 7:8). Maanta, culimada Soomaaliyeed, dhaqankii Carabta ayay diin ka dhigeen; waxaad mooddaa in luuqadda, lebiska, magacyada, iyo caadooyinka kale ee Carabtu noqdeen hab Ilaahay loogu dhowaado!
  2. Waxay danayn jireen muuqaalkooda dusha, halkii ay xoogga saari lahaayeen lahaayeen qalbi saafi ah oo Ilaah lagu caabudo, “​Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay, laba-wejiilayaasha ahu, waayo, waxaad u eg tihiin xabaalo la caddeeyey, kuwa dushoodu u eg tahay wax qurxoon, laakiin hoosta waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh oo dhan. Sidaas oo kalena idinku dusha waxaad dadka ugu eg tihiin dad xaq ah, laakiin gudaha waxaa idinka buuxa laba-wejiilenimo iyo dembi”  (Injiilka, Matayos 23:27-28). Wadaadada Soomaalida ee maanta, midba midka uu ka gadh iyo khamiis dheer yahay wuxuu isu haystaa inuu ka xaqsan yahay!  
  3. Sadaqooyin ayay bixin jireen, laakiinse naxariis kama ahayn, ee is tus iyo ajar urursi bay ka ahayd. Sadaqada ay bixiyaan waxaa aad uga badnaa dhaqaallaha ay dadka ka qaadayeen iyaga oo diinta adeegsanaya, “Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay, laba-wejiilayaasha ahu, waayo, rexaanta iyo kabsarta iyo kamuunta toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaafteen wixii sharciga ugu cuslaa, waxaa weeye xukunka iyo naxariista iyo iimaanka. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin. Hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo kaneecada iska miira oo awrka liqa"  (Injiilka, Matayos 23:23, 24).  Waa la wada ogsoon yahay inay wadaadada Soomaalida badankoodu ku takri-falaan dhaqaallaha ay masaakiinta ka uruuriyaan!
  4. Faankoodii iyo isla weynidoodii darteed, waxay jeclaayeen inay fadhiistaan kursiyada hore iyo in salaanta loo badiyo, “Waa idiin hoog, Farrisiin yahay, waayo, waxaad jeceshihiin kursiyada hore oo sunagogyada, iyo salaanta suuqa”  (Injiilka, Luukos 11:43).  Wadaadada Soomaalidu waxay faraha la galaan waxyaallo aanay cilmigeeda lahayn oo aan shaqadooda ahayn, oo waxay doonaan in had iyo goor maamuus aanay u qalmin la siiyo!
  5. Waxay dadka ku rari jireen qaynuuno-diineed aan macquul ahayn laakiinse iyagu kuma dhaqmi jirin, “​​Waxay isku xidhxidhaan culaabo culculus oo waxay saaraan dadka garbihiisa, laakiin iyagu dooni maayaan inay fartooda ku dhaqaajiyaan”  (Injiilka, Matayos 23:4). Wadaadada Soomaaliyeed ee maantu, wax kastoo ay doonayaan inay sameeyaan, xataa hadduu khalad yahay, diintooda ayay daliil uga dhex raadiyaan. Laakiinse, dadka caadiga ah waxay dusha ka saaraan culaab diineed aanay qaadi karin!
  6. Kuwii ay dileen ayay isla iyagu qubuuro qurux badan u qodi jireen oo weliba u ducayn jireen, “Waa idiin hoog, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, awowayaashiinse way dileen”  (Injiilka, Luukos 11:47). Waxaad arkaysaa wadaadada Soomaalida oo xabaalo waaweyn u qodaya, oo ducooyin dhaadheer u akhrinaya, dadkii ay dileen argagixisadii ay isla iyaga laftoodu nacaybka iyo dilka ku soo tababareen!  
  7. Dadka ayay ka horjoogsan jireen aqoonta dunida iyo ta aakhiroba, "Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay oo laba-wejiilayaasha ahu, waayo, boqortooyada jannada ayaad dadka ka xidhaan, maxaa yeelay, idinku ma gashaan, oo kuwa gelayana uma deysaan inay galaan”  (Injiilka, Matayos 23:13). Waddaadka Soomaaliga ah ee maantu “gaal, bidci, munaafaq iwm.” ayuu ku shaanbadaynayaa qofkii sheega fikir kiisa ka duwan!  
  8. Guryaha carmallada ayay dhici jireen, "Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay, laba-wejiilayaasha ahu, waayo, waxaad laasataan guryaha carmallada " (Injiilka, Matayos 23:14). Wadaadada Soomaalidu intaa dad dhibban ayay lacag ka uruurinayaan, taas oo aan la garanayn meel ay marto!  
  9. Salaado dhaadheer oo is tustus ayay tukan jireen, “Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay, laba-wejiilayaasha ahu ... tukashooyin dhaadheer ayaad istusid u tukataan, sidaa darteed waxaad heli doontaan xisaab aad u daran”  (Injiilka, Matayos 23:14). Culimada Soomaalidu halkii ay ka shaqaysan lahaayeen, sida dadka kale, badankoodu diintii bay baayacmushtar ka dhigteen! 
  10. Cir iyo dhul bay u mari jireen inay qof hanuuniyaan, laakiinse, kaasi aakhirka wuxuu noqon jirey ehlu-naar sidooda oo kale, "Waa idiin hoog, culimo iyo Farrisiin yahay. laba-wejiilayaasha ahu, waayo, badda iyo dhulka waxaad u wareegtaan inaad mid soo hadaysaan, oo kolkuu sidaas noqdo, waxaad ka dhigtaan wiilka jahannamada laba kol in idinka badan idinka" (Injiilka, Matayos 23:15). Weli ma is weydiiseen meesha ay ka soo bilaabato ama ka soo aflaxdo argagixisada hadh iyo habeen dadka Soomaaliyeed xasuuqaysaa!  
  11. Caabudaada Ilaahay daacad kama ahayn iyaga, "Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay”  (Injiilka, Markos 7:6). Sida aynu kor ku soo aragnay, dabeecaddaha wadaadada Soomaalida badankoodu maaha kuwo laga dhex arko doonista Ilaahay!

​Ciise Masiix wuxuu ka soo horjeestey laba-wejiilenimadii Faarisiinta oo wuxuu dadka baray inay ka digtoonaadaan dabeecaddaha, hab dhaqanka, iyo waxbariddaha culimada noocan oo kale ah. Isaga oo dadkii ku baraarujinaya khatarta ay arrintani leedahay ayuu iyagii weydiiyey su'aashan, "Indhoole indhoole ma hagi karaa? Labadoodu miyaanay god ku dhici doonin? " (Injiilka, Luukos 6:39). 
Ilaahay ha idin barakeeyo.
2 Comments
Sucad Ina-Rabi
26/4/2018 02:38:33

Waa xaqiiq qoraalkani wuxuu muujinayaa isku ekaanshaha sheekhyada muslimka iyo sheekhyadii faarisiintii.

Reply
Abdi Duale link
26/4/2018 08:30:31

Mahadsanid Sucaad, Ilaahay ha ku barakeeyo, wadaadadan lunsana ha garansiiyo mugdiga ay ku jiraan ee dadkoodana ku hayaan, oo ha tuso iftiinka Masiixa. Ilaah ha ku barakeeyo.

Reply

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    Picture

    Author: Abdi Duale

    Archives

    September 2019
    November 2018
    September 2018
    June 2018
    May 2018
    April 2018
    March 2018
    December 2017
    August 2017
    May 2017
    February 2017
    December 2016
    November 2016
    September 2016
    August 2016

    RSS Feed

    AKHRISYO DHEERAAD AH
    (Guji sawirka oo akhriso)
    Picture
    Picture
    Picture
    Picture
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub
​
Jesus Film  (Somali)
Brother Rachid   (Arabic)
Middle East Resources (English)



​© COPYRIGHT 2019 Somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US