Somali Believers Fellowship
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Hirdanka Awoodeed ee soo Jireenka ah ee Dunida Islaamka Dhexdeeda

5/11/2018

0 Comments

 
Qore: ​Yaroslav Trofimov
Picture
Turkiga iyo Sucuudiga qarniyaal badan ayay cadaawadi ka dhexeysey. Hadda, baadhitaan dil ayaa soo nooleeyey hirdankoodii adkaa, kan oo laga yaabo in uu Bariga Dhexe khalkhal weyn geliyo.
​

SAWIRE: EDEL RODREGUEZ

​​Laba qarni ka hor, dhammaadkii 1818, boqor Sucuudi ah ayaa Istambuul la geeyey isaga oo silsiladaysan. Masaajidka Hagia Sophia ayaa isaga oo shabag bir ah ku xidhan (sida xayawaanka) la hordhigay halkaas oo ay dad badan oo taas ku faraxsani isugu soo baxeen , dabadeedna, iyadoo weli dareenkaa farxadda iyo dabaaldegga ah lagu jiro, ayaa madaxa laga gooyey.
​
Dhacdadan arxan-darrada ah ee Turkiga iyo Sucuudi Carabiya ka dhex dhacday, lama soo hadal qaadin markii uu isku dhicii labada waddan bilowday bishii Oktoobar 2, kaddib markii suxufigii Sucuudiyaanka ahaa ee Jamal Khashoggi lagu dhex diley safaaradda uu Sucuudigu ku leeyahay Istambuul. Cadowtinimadaa soo jireenka ah darteed ayay arrintani Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan fursad wanaagsan u siiyey inuu dhimashada weriyahaas u ciqaabo Guriga reer Sucuud.

Picture


​SAWIRKii: KHAYAN OZER/ANADOLU AGENCY/GETTY IMAGES

​​​​I​sla markii la diley weriye Khashoggi ayaa Erdogan ku dhawaaqay inuu Turkigu yahay "waddanka keliya ee adduunka Islaamka hoggaamin kara." Dabcan, tani waa mas'uulliyad uu Guriga Boqortooyada Sucuudigu u arko inay caado ahaan iyagu xaq u leeyihiin maaddaama ay boqortooyadu maamusho meelaha Islaamka ugu quduusan ee ku yaalla Maka iyo Madiina, iyo xajka oo ay sannad kasta laba malyuun oo Muslimiin ahi tagaan.

Hirdankan, Iiraan—oo ah Shiico laga badan yahay marka la barbardhigo dunida Islaamka oo Suniyiin u badan—kama soo qayb geli karto. Ilaa iyo hadda, Tehraan waxay ku faraxsan tahay inay halkaa ka daawato iyada oo ay labadan quwadood ee gobolka ku baratamayaa is boqno goynayaan, halka ay Reer Galbeedkuna la il-daran yihiin sidii ay arrintan uga jawaabi lahaayeen!

Ilaa iyo intii uu aabbihii boqorka noqday 2015, Amiirka 33 jirka ah ee Sucuudiga ee dhaxalka sugayaa—Maxamed bin Salman, wuxuu intaa isku deyayey inuu dardar geliyo dadaalka ay Riyaad ugu jirto inay Bariga dhexe hoggaamiso. Wuxuu ka tegey hab-dhaqankii hore ee Sucuudiga ee ahaa inay si aan muuqan siyaasadda u ciyaaraan iyaga oo lacag isticmaalaya. Amiir Maxamed wuxuu isku dubariday isbahaysi dowlado Suni ah sida Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Masar, inay dagaal ku qaadaan kooxaha Iiraan taageersan ee Yaman. Qadar ayuu ku soo rogey cunaqabatayn uu ku guuldarraystay oo uu ku doonayey inuu dowladda ku inqilaabo. Wuxuu kale oo isku deyey inuu lugta ku walaaqo siyaasadda Lubnaan, kaddib markii uu raysal-wasaaraha waddankaa oo Sucuudiga booqasho ku jooga ku khasbay inuu is casilo, taas oo uu raysal-wasaaruhu ka noqday markii uu waddankiisii dib ugu laabtay.

Sucuudi Carabiya iyo xulafadeedu waxay kale oo dadaal aan kala go' lahayn u galeen inay dhisaan is Walaalaysi Muslinimo (Muslim Brotherhood), kan oo ah dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo Islaami ah oo lidi ku ah saamaynta uu Maraykanku ku leeyahay gobolka (Xamaasna ay xubin ka tahay). In kasta oo ay afka ka sheeganayaan inay dimuqraadiyad Islaamka ku sallaysan doonayaan, haddana dhaqdhaqaaqan Ikhwaanu Muslimiinka ahi awood keligii-taliyanimo ah bay isticmaaleen markii ay Masar iyo Suudaan xukunka ka qabteen. Bilowgii, Erdogan kooxdan taageero ayuu ku siiyey waddamada Carabta oo dhan  dhexdooda ka bilow Kacdoonkii Carabta ee 2011, weriyahii Kashoggi laftiisuna wuxuu u janjeedhey qaar ka mid ah ujeeddooyinkiisa.

Dhowr jeer ayuu Erdogan isku deyey inuu is hortaago kor u kaca awoodda Sucuudiga. Ciidamo Turki ah ayuu u diray Qadar, Soomaaliyana madaxdii Sucuudiga taageersanayd ayuu dibedda dhigay, oo wuxuu sheegay inuu Suudaan ka kiraysanayo Jasiirad Badda Cas ku taalla oo Sucuudiga soo kulaalaysa, halkaas oo laga yaabo inuu saldhig ciidan ka samaysto. Wuxuu kale oo la wareegey u doodida xuquuqihii soo jireenka ahaa Muslimiinta, sida Falastiin, iyo kuwo cusub sida dhibaatada Rohingya ee Myanmar. Istanbuul ayaa iyaduna noqotay xarunta ay ugu jecel yihiin mucaaradka Islaamiyiinta ah ee adduunka Carabtu.

"Ujeeddada siyaasadda arrimaha dibedda ee madaxweynaha Turkigu waa inay Muslimiintu mar kale isla-weyni dareemaan," ayaa waxaa yidhi Soner Cagaptay, oo ah khabiir Bariga Dhexe ku takhasusay, oo buug la yidhaahdo "Suldaanka Cusub" ka qoray taariikh-nololeedka Erdogan. Qorshahu waa Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo la casriyeeyey tan oo Turkiga u saamaxaysa inay Muslimiinta u horseeddo awood ay yeeshaan.

Sheegashadani taariikh dheer ayay salka ku haysaa. Afar qarni ayuu suldaanka Istambuul sidoo kale ahaa hoggaamiye-diineedka ama khaliifka Muslimiinta oo dhan. Awoodddiisa ruuxiyanka ah waxaa xataa laga aqoonsanaa meelo ka baxsan Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, taas oo markay ugu xoogga badnayd ka talin jirtey qaybo ka tirsan Bariga Yurub, Waqooyiga Afrika, iyo Jasiirradda Careebiya.

Khaliifadaasi waxay soo gaadhey oo baaba'day 1924, lix sanno kaddib markii Cusmaaniyiinta ay maamulkii Maka iyo Madiina kala wareegeen kacdoonkii Carabta ee Ingiriisku taageerayey xilligii Dagaalkii 1-aad ee Adduunka. Aakhirkiina Jamhuuriyadda Turkiga ayaa ka dhalatay burburkii Cusmaaniyiinta, suldaankii ugu dambeeyeyna, Mehmet-kii 6-aad, 1922 ayaa loo masaafuriyey Yurub. Markii Cusmaaniyiintu meesha ka baxeen, Guriga reer Sucuud ayaa isla markiiba ka soo fiday lamadegaankii uu xoogga ku lahaa ilaa Jasiiradda Careebiya oo dhan, iyagoo ugu horrayntii qabsaday Maka dabadeedna 1932 aasaasay dowlad cusub oo xooggan.

Weriye Khashoggi, wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa reer Turki ah oo degey Careebiya wakhtigii Cusmaaniyiinta—waana sababa ay joornaallada Turkigu magaca qoyskiisa ugu higgaadiyaan Kasikci, oo af Turkishka mancaheedu yahay malqacad sameeyihii, tan oo ay ku tusayaan sida uu ninkaasi xigaalkooda u ahaa!

Ka hor intii uusan Erdogan la soo bixin siyaasada cusub ee ku riyoonaysa Cusmaaniyiintii—iyo xukunka keligii taliyenimada ku sallaysan—ilaa toban sanno ka hor, dowladda Turkigu dan kama lahayn inay adduunka Islaamka hoggaamiso, oo waxay raalli ka ahayd inay arrimaha diinta u deyso Sucuudiga. Turkigu wuxuu ka mid noqday NATO, oo raadiyey inuu xubin ka noqdo Isutagga Yurub, oo wuxuu wada shaqayn milateri oo dhow la yeeshay Israa'iil.

Taas beddelkeeda, Turkiga cusub ee Erdogan, wuxuu si toos ah caqabad ugu yahay Sucuudi Carabiya oo wuxuu meesha la yimid qaab Islaami ah oo ka duwan ka Sucuudiga, sida ay sheegtay aqoonyahanadda Sucuudiyaanka ah ee Madawi al Rasheed oo Taariikhda Sucuudiga ku xeel dheer, waxna ka dhigta London School of Economics , "Jiritaanka Sucuudiga ayuu halis ku yahay waayo Turkigu wuxuu isku darayaa Islaamkii iyo nooc dimoqraadi ah," ayay tidhi.  "Ogowna, inuu Erdogan xukumo jamhuuriyad leh baarlamaan, xisbiyo mucaarad ah iyo kooxo bulsheed iskood isu abaabula—intaas oo dhan oo uusan Sucuudigu midna lahayn" ayay ku dartay.

Boqortooyada Sucuudiga ee maanta jirtaa waa nooca boqortooyo ee ugu kakan, tan oo aan laga daba hadli karin. Sidoo kale, waa dowladdii saddexaad ee ay Reer Sacuud maamulaan ilaa markii ay qosyku jaalka la noqdeen wadaadkii mayalka adkaa ee Maxamed ibn Abdel Wahhab kaas oo qabiilladii Badawiyiinta ee Jasiirradda Carabta 1975 ku abaabuley qaab-Muslimeed adag (oo ilaa hadda loo yaqaan Wahaabiya).

Turkiga ayaa sabab u ahaa inay labadii dowladood ee ugu horreeyey ee Sucuudigu burburaan.

Tii ugu horreysey waxay burburtay kaddib markii ay ciidammo milateri ah oo Cusmaaniyiintu soo direen oo Turki iyo Albaaniyiin u badani, 11 Sebteember 1818,  qabsadeen caasimaddii Sucuudiga ee Diriya, oo ahayd Riyaad duleedkeeda. Sida uu sheegay dimbolaasi Ruush ah oo halkaa joogey, Suldaankii Turkigu magaalladii wuu gubey, hoggaamiyihii Sucuudiyiinta, Cabdillaahi bin Sucuud-na wuu qabtay, oo isaga iyo wadaadkii Wabaabiyiinta ugu weynaa ayuu Istambuul geeyey. Kaddib markii boqorkaa Sucuudiga ah masjidka Hagia Sophia hortiisa madaxa lagaga gooyey, meydiisii saddex maalmood ayuu dibadda yaalley si ay dadku u daawadaan isaga oo madaxii laga jaray gacantiisa loo geliyey. (Iimaamkii Wabaabiga ahaana, suuqa Istambuul ee weyn ayaa isna qoorta lagaga jaray, sida uu siyaasigaasi weriyey.)

Cusmaaniyiintu waxay Sucuudiyiinta u arkeen gacan-dhiiglayaal laayaan ah oo burbur iyo dhac ka geystey magaallada Qarballa ee Ciraaq ee Cusmaaniyiinta ka talin jireen, halkaas oo ay ku dileen 4,000 oo shicibkeedii ah (kuwaas oo Shiico u badnaa), mar dambena waxay burburiyeen masaajiddo iyo xarumo caabudaadeed oo badan oo ku yaalley Maka iyo Madiina. Suldaankii Cusmaaniyiintu, dadkii xidhnaa oo dhan ayuu sii daayey, si uu ugu dabaaldego burburka dowladdaa Sucuudiga iyo xorraynta labada masjid ee quduuska ah.

Tobanaankii sanno ee ku xigey, koox kale oo Guriga reer Sucuud ah ayaa dib u dhisay magaalladii Diriya, oo dib u qabsaday inta badan Jasiiradda Carabta, tan oo sababtay weerar mileteri oo kale oo ay Cusmaaniyiintii soo qaadaan 1871. Degdeg ayay Gacanka Carabta u qabsadeen, oo Cusmaaniyiintii waxay dowladdii Sucuudiga ka qabsadeen dhulkeedii intii badnaa, ilaa dhulka bariga ee markii dambe laga helay inta badan batroolka boqortooyada. Dhowrkii sanno ee markaa ku xigtey, qabiillo Carab ah oo iska soo horjeeda oo Turkigu taageero ayaa u dhammeeyey hadhaadigii dowladdaa labaad ee Sucuudiga.

Waxan oo dhammi maaha taariikh duugowdey oo hore. Boqorka Sucuudi Carabiya ee hadda Boqor Salmaan aabbihiis iyo aasaasihii waddanka Sucuudiga ee hadda jira, Boqor Cabdicasiis, waxay markii hore ahaayeen kuwo Cusmaaniyiintu ku adeegtaan, markii dambena Turkigii ayay ku soo jeesteen xilligii Dagaalkii 1-aad ee Adduunka, wakhtigaas oo uu ka qayb qaatay inuu si kama dambays ah Turkiga uga saaro Careebiya. Qaar ka tirsan Amiirka Salmaan adeerradii ayaa ka qayb qaatay dagaalladaa lala galay Turkiga iyo qabiilladii Carabta ee xulafada la ahaa.

Ilaa iyo waagaa, Sucuudigu wuxuu dadaal dheeraad ah ugu jirey inuu tirtiro wax kasta oo tusayey saamayntii uu Turkigu ku lahaan jirey waddankaas. 2012-kii, waxay burburiyeen qalcadii taariikhiga ahayd ee Ajyad ee Maka ku taalley, oo ka mid noqotay dhismayaashii Cusmaaniyiinta ee taariikhiga ahaa ee uu Sucuudigu cagafcagafta mariyey. "Reerka boqorka ee Sucuudigu marna ma ilaawi doonaan sidii ay Cusmaaniyiinta—Turkiga—askartoodii laba jeer u soo weerareen oo u burburiyeen dowladdoodii. Waxaa la moodaa inay dadku dhacdadan iloobaan wakhtiyada wanaagsan, laakiinse, arrintani mar kasta way soo noqnoqotaa." Ayuu yidhi Cabdelkhaleq Cabdulla, oo ah nin siyaasadda ku xeel dheeri, oo hore macallin sare uga ahaan jirey Isutagga Imaaraadka Carabta.

Isutagga Imaaraadka Carabta (U.A.E.) laftiisa iyo Erdogan way isku dhaceen Diseember-tii la soo dhaafay, arrin la xidhiiidhey Sucuudi Carabiya darteed, kaddib markii uu wasiirka arrimaha dibedda ee Imaaraadku sii qaybiyey Twitter bililiqaysi ku eedeynaya Fakhreddin Pasha, oo ahaa guddoomiyihii ugu dambeeyey ee Cusmaaniyiinta ee Madiina. Guddoomiyahaasi laybareerigii qadiimiga ahaa ee Madiina oo dhan buu u raray Istambuul ka hor intaan kacdoontii Carabtu magaalladaa hareerayn, oo wuu diidey inuu is dhiibo xataa isagoo askartiiisii gaajo laynayso, oo uu suldaankii Cusmaaniyiintuna oggolaaday in la jebiyey, 1918. Erdogan arrintan wasiirka Imaaraatiga ahi sameeyey wuxuu ugu yeedhay "anshax xumo," oo Ankara waxay jidka ay safaaradda Isutagga Imaaraadka Carabtu ku taallo ugu magac dartay guddoomiyahaa Turkiga ee la af-lagaadeeyey, kan oo uu Turkigu u aqoonsan yahay inuu mujaahid ahaa!

Ilaa laga soo gaadhayo dhimashadii suxufigii Khashoggi, is-bahaysiga uu Sucuudigu hoggaaminayo ee Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa u ekaa inay gobolka ku guuleysanayaan, Turkiguna wuxuu keliyoo ku tiirsanaa Qadar iyo laga yaabee Suudaan. Tan waxaa qayb ahaan sabab u ahaa inuu Madaxweyne Donald Trump horeba ula saftay Amiirka Maxamed—isaga oo u adeegsanaya inuu Iiraan xakameeyo. Waxaa kale oo tan sabab u ahaa siyaado uu Erdogan laftiisu ciyaaray, sida inuu wada shaqayn la yeeshay Iiraan iyo Ruushka, iyo inuu xabisay wadaadka Masiixiga ah ee Andrew Brunson, isagoo ujeeddadiisu ahayd inuu ku beddesho oo gacanta loo soo geliyo wadaadka Turkiga ah ee Pennsylvania deggan ee uu Turkigu ku eedeynayo inuu ka dambeeyey inqilaabkii dhicisoobey ee 2016—arrimahan oo dhammi waxay isaga ka sii fogeeyeen Washington.

Hadda, oo ay arrinta Khashoggi adduunka aad uga xanaajisay, Erdogan fursaddan wuu ka faa'iideystey. Maalintii dhoweyd ee Turkigu sii daayey wadaadkii Brunson waxay keentay inuu xidhiidhkiisii Washington yara hagaajiyo. Warar xiriir ah oo ay madaxda Turkigu warbaahinta ku sii daayeen, ayaa ku khasbay Sucuudi Carabiya—oo markii hore ku adkaysatay inuu Khashoggi isaga oo nool safaaradda ka baxay—ay hadda si weji gabax leh u qirato in koox si gaar ah loo soo diray ay ninkaas safaaraddooda ku dhex dileen. Sucuudiyiintu waxay dhacdadan daraaddeed shaqadii ka caydhiyeen laba sarkaal oo sarsare oo ay amiirka isku dhowaayeen oo waxay gadaal ka qirteen inuu dilkaasi ahaa mid ula kac ah ee uusan ahayn mid si "kama'" ah u dhacay sidii ay markii hore ku andacoodeen.

Erdogan wuxuu doonayaa in eedaysanayaashaa Sucuudiga ah maxkamad lagu soo saaro Turkiga dhexdiisa oo wuxuu farta ku fiiqay meesha ugu sarraysa dowladda Sucuudiga. In kasta oo uusan Erdogan laftiisu si toos ah eedda dilka Khashoggi dusha uga saarin Amiir Maxamed, madax hoggaamiyaha Turkiga aad ugu dhowi isla sidaas ayay sameeyeen. Amiir Maxamed "wuxuu ka mid yahay dadkii dilka ku lug lahaa," oo Sucuudi Carabiya waxaa hadda soo food saaray, "dacwadii ugu xumayd ilaa iyo intii waddankaa la aasaasay," ayaa waxaa qoray Saadet Oruc oo ka mid ah la taliyaasha sarsare ee Erdogan. Wargeysyada Turkigu waxay usbuucan qoreen, in Amiir Maxamed "dhiiggii Khashoggi gacmihiisa ku yaallo" oo "dilkani sidii habaar ayuu isaga u daba socon doonaa", ayuu yidhi Ilnur Cevik isaguna Erdogan la taliya.
​
Ujeeddada Erdogan waa inuu Amiir Maxamed adduunka hortiisa kaga dhigo nin aan sharaf lahayn. Waxaaba laga yaabaa oo kale, inuu rajeynayo inuu amiirka aabbihiis, Boqor Salmaanka Sucuudi Carabiya ee gaboobey ku cadaadiyo inuu dhaxal-suge kale doorto. "Turkigu wuxuu ugu dambaynta doonayaa inuu tirtiro awoodda iyo saamaynta uu Amiir Maxamed ku leeyahay adduunka, gobolka, iyo hadday u suurtogasho waddankiisa," ayuu yidhi Sinan Ulgen, oo hay'adda Edam ee cilmi-baadhista ka tirsani, oo wuxuu intaas ku sii daray in Amiirku "uu haddaba, lumiyey sawirkii laga qabey ee ahaa inuu yahay nin casriyayn ka wada waddanka Sucuudiga."

Amiir Maxamed, oo Arbacadii telefoon u diray Erdogan, wuxuu ku adkaystay in xidhiidhka Turkiga iyo Sucuudigu uu sii jiro. Wuxuu kale oo Amiir Maxamed intaa ku daray in inta ay isaga, Boqor Salmaan iyo Erdogan awoodda haystaan, aan qofna kala fogeyn karin labadan waddan ee Muslinka ku walaaloobey.

Laakiinse, Ankara waxaa weli maskaxdeeda ku sii cusub sidii uu dhowr bilood ka hor, markii uu Amiir Maxamed booqashada ku joogey Masar, si indho-adayg leh Erdogan ugu tilmaamay inuu qayb ka yahay "saddex geesoodka shaydaaynka", oo ay ku weheliyaan Iiraan iyo Islaamiyiinta xagjirka ah ee ISIS.

In kasta oo dowladda Sucuudi Carabiya aad uga cadaadis badan tahay Turkiga, oo aanay lahayn wargeysyo madax bannaan iyo ururo mucaarid ah, haddana labada waddanba waxay ku jiraan kuwa ugu xun ilaalinta xuquuqda bini'aadanka—, dabcan, Iiraana waa sidoo kale. Xukuumadda Turkiga ee Erdogan ka taliyo waxay xabistay weriyeyaashii ugu badnaa marka waddamada kale la barbardhigo, sida ay kooxaha xorriyadda wargeysyada u doodaa sheegeen. Waxa kale oo ay mucaaradkii kaga daba tagtay qurbaha, iyada oo si kale uga aargoosanaysa maaddaama uusan waddankaasi xukunka dilka ku dhaqmin.

Laakiinse, arrinta Khashoggi daraaddeed, Erdoganka Turkigu wuxuu ugu dambayn ku andacoon karaa inuu ka sharaf badan yahay 'Sucuudiga'—tan oo danaha Turkiga ee gobolka taageero weyn u ah.


"Bil-caksiga arrintan oo dhan ka dhashay waa, in ninka adduunka weriyaasha ugu badan xidhay uu hadda tusaale fiican u noqday difaaca iyo xorriyadda saxaafadda," ayuu yidhi Steven Cook, oo meel sare ka haysta Gudiga Xidhiidhka Bariga Dhexe ee Washington. "Tan oo keliya maahee, Turkiga oo mas'uulliyad darro ka muujiyey arrinta Iiraan, Siiriya, nabadda Bariga Dhexe, iyo xataa xasiloonida Geeska Afrika, ayaa hadda u muuqda inuu yahay mid ka shaqaynaya degganaanshaha gobolka, marka la barbardhigo Sucuudiyaanka taxaddarka daran." ayuu ku daray.

Qoraalkan waxaa ugu horrayntii lagu daabacay wargeyska "The Wall Street Journal," Oktoobar 26, 2018. 

0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    Picture

    Author: Abdi Duale

    Archives

    September 2019
    November 2018
    September 2018
    June 2018
    May 2018
    April 2018
    March 2018
    December 2017
    August 2017
    May 2017
    February 2017
    December 2016
    November 2016
    September 2016
    August 2016

    RSS Feed

    AKHRISYO DHEERAAD AH
    (Guji sawirka oo akhriso)
    Picture
    Picture
    Picture
    Picture
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub
​
Jesus Film  (Somali)
Brother Rachid   (Arabic)
Middle East Resources (English)



​© COPYRIGHT 2019 Somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US