Qore: Bassam Michael Madany Sannadkii 2008, waxaa la daabacay buug la yidhaahdo “Le Génocide Voilé” oo uu qoray nin reer Sinigaal ah oo ku nool caasimada waddankaa ee Dakar, oo magaciisa la yidhaahdo Tidiane N’Diaye, oo ku takhasusay cilmiyada dhaqanka iyo dhaqaallaha. Qoraalkani waa dulmar buuggaas ku saabsan: “Carabtu muddo saddex iyo toban qarni ah ayay si aan kala joogsi lahayn u soo weerarayeen oo u dhacayeen Afrikada Saxaaraha ka hoosaysa (Madow). Inta badan raggii ay qafaasheen ee kaxaysteen waa le’deen, sidii bini’aadanimada ka basxanayd ee loola dhaqmay darteed. Cutubkan xanuunka leh ee taariikhda dadka Madow ahi uma muuqdo mid joogsadey. Hab-dhaqankan xun ee ay Madowga kula kacayaan wuxuu bilowday kaddib markii uu nin Amiir iyo Jeneraal ahaa oo Carab ah oo la odhan jirey Cabdillaahi bin Siciid ku khasbay Suudaaniyiinta “Bakht” (heshiis) sannadkii 652, kaas oo iyaga ka dalbanayey inay sannad kasta isaga u keenaan boqollaal addoomo ah. Badankoodu waxay ahaayeen rag laga soo uruuriyey dadka reer Darfuur. Halkaas ayaa noqotay meel si sharciyan malyuumaad Afrikaan ah laga daadgureeyo taas oo si aan kala joogsi lahayn u socotey ilaa iyo bilowgii qarniga 21-aad.” Waa kuwan xiggashooyin aanu ka soo qaadanay jawaabihii uu Tidiane N’Diaye bixiyey, mar mowduucan laga waraystay:
“Ilaa iyo maanta, addoosiga iyo ka ganacsigii addoonsiga ee aadka wax looga qoray waa kii dadka loo qaaday Ameerika. Buuggaag iyo filimaan dhowr ah ayaa mowduucan ka hadla, oo dadka fursad u siiyey inay taariikhdan nasiibka daran wax dheeraad ah ka ogaadaan. Laakiinse, Yurub oo keliyahi ka ganacsigii addoonta gaar uma lahayn. Dad kale ayaa jirey, sida ka ganacsigii addoonta ee Bariga Afrika la marinayey iyo kii laga gudbinayey Saxaaraha oo ay Carabtu mas’uulka ka ahaayeen. Burbur iyo baaba’ ayuu addoonsigaasi baday Afrikaankii iyo farcankoodiiba. Waana hubaal inay Yurubiyaanka iyo Carabta-Muslimku diimaha Masiixiyadda iyo ta Islaamka qiil uga raadinayeen addoonsigii ay dadka Madow ku hayeen! Sababta uu ninkaas Sinigaaliiska ahi buuggiisa ugu yeedhay “Xasuuqii Qarsoonaa” waa inuu addoonsigii Carabtu ka duwanaa kii Ameerika, waayo, Addoontii nimanka ahayd ee Carabtu qaadatay oo la dhufaani jirey! Inkasta oo uu addoonsiigu weligii ka dhex jirey waddamada iyo qaaradaha oo dhan, midda aan dadka badankiisu ogeyn waa in addoonsigii Afrikaanka ay Carabta Muslinka ahi bilaabeen; kan oo saddex iyo toban qarni si aan joogsi lahayn u socdey. Addoonsigan waxaa ku lammaanaa dhufaanidda tiro aan la soo koobi karin oo Madowgii la afduubay lagu sameeyey. Saamaynta ay tani yeelatay aad bay uga weyn tahay marka la barbardhigo addoontii Ameerika la geeyey. Midda qalbi xanuunka lihi waa, inaan addoontii Carabtu qaateen badankooda loo oggolaan inay farac ka tagaan, maaddaama ay Carabtu sharci ka dhigeen in Afrikaankaa addoonta ah la dhufaano. Addoonsigii Ameerika afar boqol oo sanno ayuu socdey. Waa la iska wada og yahay dhibaatooyinkii aadka u xumaa ee dadkaa la qafaashey soo gaadhey, laakiinse, qofka addoonka ahi wuxuu lahaa qiime lacageed, oo qofka isaga leh wuxuu qorshihiisu ahaa inuu addoonkaasi muddo dheer wax soo saaro. Markaa, ujeeddadu may ahayn in dadka la dabargooyo. Addoonsigii Carabta-Muslinku saddex iyo toban qarni ayuu socdey, laakiinse inta badan raggii ay Afrika ka qaateen waa le’deen. Isla markii ay Afrika noqotay meesha ay addoommada ugu badan ka soo qaataan, waxaa niyadda qof kasta oo Carab ah ku abuurantay aaminaad qofka Madow la xidhiidhinaysa addoonimo. Waxaa si qoto dheer adduunka Carabta ugu faaftay fikrad dhaqan u noqotay oo ah inuu qofka Madoobi dadyowga kale ka hooseeyo, tan oo keentay in la aqbalo in addoontii Madowga ahayd aan loo arkin bini'aadan xuquuq leh, loona diido inay farcan ka tagaan. Cawaaqibkuna waa in maanta Madowgii la geeyey Turkiga, Yaman, iyo Ciraaq cidhib-tirmeen, kuwii Afrikada Waqooyi iyo Sucuudiga la geeyeyna wax yari ka sii nool yihiin. Kaddib markii uu akhriyey oo is barbardhigay qoraallo badan oo mowduucan laga qoray , waxaa qoraagan reer Sinigaal u caddaatay gumaadkii weynaa ee Carabtu u geysteen addoontii ay qafaasheen ee ka dhacay xeryihii ay dadkaa Afrikaan ah ku dhufaani jireen. Waxaa xaqiiq noqotay in 70% ilaa 80% addoontii Carabtu qaadatay le’deen! Markaa la isku daro addoontii Bariga Afrika iyo kuwii Waqooyiga Afrika loo qaaday waxay tirada la dhufaanay noqonaysaa 17 malyuun. Addoonsigii Carabta-Muslinku wuxuu ahaa gumaad loo geystey dadka Madow. Bal kaas barbardhig 70 malyuun ee asalkoodu Afrika ka soo jeedo ee hadda ku nool Ameerika; Maraykanka, Baraasiil, iyo Jasiiradaha Kariibiyanka. Halka ay tiro aad u yar oo ah Afrikaankii Carabta-Muslinku addoonimada u qaateen ay weli waddamadaas ku sii nool yihiin. In kasta oo aan dhibaatadii iyo xanuunkii addoonsiga la soo koobi karin oo aan qiil loo samayn karin meesha uu rabo ha ka dhacee, haddana addoonsigii Carabta-Muslinka ayaa baabi’ii ugu xumaa soo gaadhsiiyey Afrikada Madow marka la barbardhigo addoonsigii Ameerika. Waa nasiibdarro inaan aad loo qaadaa dhigin oo wax looga qorin addoonsigii Carabta-Muslinka. Dad badan ayaa jecel inay arrintan sariirta hoos geliyaan iyaga oo diinta Islaamka qiil ka dhiganaya. Waa heshiis aan qornayn oo dadban oo ka dhexeeya farcankii dhibanayaasha iyo kuwii gumaadka u geystey, tan oo keentay in arrintaa la iska indhotiro. Aamusnaantan, la dacay in laga hadlo xasuuqii Carabta-Muslinku kula kaceen addoontii Madowga ahayd ee ay qaateen ayaa keentay in culayska la saaro ka hadlidda addoontii Ameerka loo qaaday. Intaa waxaa sii dheer, inay aqoonyanada Carabtu isku dayaan gumaadkan xusuusta bini’aadanka ka tirtiraan, sidii iyada oo aanu weligiis dhicin! Waxay ku guuldarraysteen inay si daacad ah u eegaan taariikhdoodii oo ku dhiirradaan dhibaatadaas weyn ee awooweyaashood soo gaadhsiiyeen dadka Madow. Xataa, Maraykanka Madow ee Muslima ayaan wax weyn ka soo qaadin addoonsigaa Carabtu-Muslinku dadkooda u geysteen. Waa u ceeb inay aqoonyahanada Madow mowduucan ka aamusaan, oo way ku khaldan yihiin inay is hilmaansiiyaan xusuusta xasuuqan. Waa caqli yaraan, in xoogga oo dhan la saaro addoonsigii dadkii laga gudbiyey Badweynta Atlaantiga (Ameerika), oo la iska indhatiro xasuuqii Carabta-Muslinku u geysteen dadka Madow! Qoraagan Sinigaaliiska ahi wuxuu buuggiisan ku xasuusanayaa oo uu hibeynayaa dadkii Madoobaa ee la xasuuqay, oo wuxuu farcankooda ku guubaaninayaa inaanay si laba wejiilenimo leh dhibaatooyinkii loo geystey u kala dooran; oo aanay xasuuqii Carabta-Muslinka iska indhotirin, iyaga oo xoogga saaraya dembiyadii reer Galbeedku iyaga ka galeen oo keliya.” Bassam Michael Madany, oo ah ninka qoraalkan isku soo dubaridey wuxuu u aaminsan yahay inay tahay waajib quduus ah oo isaga saaran inuu arrintan ka hadlo. Maaddaama uu isagu ku soo koray Levant {Siiriya}, oo ka soo jeedo Masiixiyiinta Bariga Dhexe (Eastern Christians), oo ay awooweyaashii qarniyo badan ku hoos jireen gumeysigii Islaamka. Aad buu ugu faraxsan yahay buuggaas uu ninkaa Sinigaaliisku ahi qoray oo wuxuu rajeynayaa inay dad badan akhrin doonaan. Dibaatooyinkii awooweyaashiis lagula kacay waxba ma noqonayaan haddii la barbardhigo gumaadkii iyo silicii ay Carabta-Muslinku badeen dadkii Madoobaa ee ay addoonta u qaateen. Wuxuu aad ugu faraxsan yahay oo kale inay aqoonyahano Afrikaan ah oo sharaf leh sida Tidiane N’Diaye, Salah Trabelsi, Muhammad Ennaji, iyo Ibrahim Thiabe, ku dhiirradeen inay mowduucan xannuunka badan sida uu yahay uga hadlaan oo wax uga qoraan! Booqo boggagan:
4 Comments
Abdala
19/6/2018 09:24:08
Due,alow markaad kuweyt ,eegto reerka ka taliya refer sabaax ,kuwo asalkoodu madow yahay ayaa Ku jira ,amiirana ah ,waxay soon bandhigaan carabtu Aflaam ka tarjumeysa habdhaqankii aadka u xumaa ee lagula kacay dadkii madoobaa we laga soon kaxeystayAfrika , baa bi,inta dhaqankaas habkii diinta islaamku ula tacaashay ,ma isleedahay waa la dhayay boogihii adoonsiga ,oo waa laga biskooday?
Reply
Somali Believers Fellowship
6/7/2018 18:39:19
Cabdalla waa ku mahadsan tahay fikraddaada wanaagsan! Runtii, hadday Kuwayd taasi ka dhacday waa fiican tahay, laakiinse, koley wax la wada og yahay maaha! Nagamana aha inaanu colaad abuurno haddaanu ka hadalno arrintan, waase in la ogaado inay jirtey, haddana weli ay dhibtaasi jirto! Soomaaliduna ku kalsoonaadaan Soomaalinimadooda.
Reply
Elmy
10/9/2018 00:12:42
Salam. Runtii, waxan u bogay sida aan khaladka laheyn ee aad Afka Somaaliga ugu gudbisaan dhambaallada. Hambalyo
Reply
27/9/2018 12:52:06
Mahadsanid Cilmi. Waanu ognahay in luuqadda Soomaaliga maanta lagu hayo dagaal ba'an oo la doonayo in Soomaalida la Carabeeyo! Waxaa naga go'an inaanu dhowrno sharafta afka Soomaaliga!
Reply
Your comment will be posted after it is approved.
Leave a Reply. |