Somali Believers Fellowship
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Diintii ayaad Iibsateen!

23/9/2018

0 Comments

 
Qore: Abdi Duale
"Ilaaha ammaantaydow, ha iska aamusin, waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, oo waxay igula hadleen carrab been sheega. Oo weliba waxay igu harreereeyeen erayo nacayb badan, oo sabab la'aan bay iigula dirireen. Anigoo jecel bay cadow ii yihiin. Laakiinse, anigu Ilaah baan baryaa. Wanaag waxay iigaga abaalgudeen xumaan, jacaylna nacayb"  (Sabuurrada nebi Daa'uud 109:1-5).

A. HORDHAC

Marka laga soo tago cayda, habaarka, hanjabaadda, takoorka, iyo dhibaatooyinka kale ee badan ee naga soo gaadha Soomaalida Muslimiinta ah, waxaa kale oo jirta arrin soo noqnoqota oo Soomaali badan ka dhaadhacsan oo ay nagu eedeeyaan, taas oo ah: inay Soomaalida Masiixiyiinta ahi diinta uga baxeen lacag la siiyey darteed! Waxaa fikradaha ay Soomaalidu noo soo diraan aad ugu badan, "lacag baad qaadateen, diintii baad iibsateen, adduun baad diintii ku beddelateen... iwm." 
Ciise Masiix iyo xertiisii toona may ahayn kuwo lacag ama maal leh. Aayado badan oo aanan soo koobi karin ayuu Ciise Masiix xertiisa ku baray inay ka digtoonaadaan inay muhiimadda koowaad siiyaan maalka adduunka, "Ninna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal" (Injiilka, Matayos 6:24).

Marka keliya ee Ciise Masiix xanaaqay waxay ahayd markii uu arkay macbudkii oo lagu dhex baayacmushtaryo, "Wuxuu galay macbudka oo bilaabay inuu ka eryo kuwii wax ku iibinayay, isagoo ku leh, 'waa qoran tahay, Gurigaygu wuxuu ahaan doonaa guriga tukashada, laakiin idinku waxaad ka dhigteen god tuugo'." (Injiilka, Luukos 19:45, 46).

Ninkii dhallinyarada ahaa ee taajirka ahaa ee isla qumanaa, ee Ciise u sheegay inuu ilaa yaraantiisii dhowray tobankii amar ee Muuse, waxa uu Ciise isaga ku yidhi, "Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac" (Injiilka, Luukos 18:22).

Baybalka wuxuu sheegayaa inuu jacaylka lacagtu saldhig u yahay dembiyo badan, "jacaylka lacagtu waa xididka xumaatooyinka oo dhan" (1 Timoteyos 6:1).

Erayga Ilaahay halkaa ayuu ka taagan yahay jacaylka lacagta ama maalka adduunka, oo haba yaraatee ma jirto wax caddayn ah oo loo hayo in Masiixiyiin Soomaaliyeed lagu maalgeliyey diin ay ka baxeen darteed. 
Haddaba, maxay ku sallaysan tahay fikraddan khaldani? ​

B. AASAASKA FIKRADDAN GURACAN 

1. Amar Diiniyan ah:

​
Waxaan muran ka taagneyn in Muslimiinta lagu amray inay la dagaallamaan, oo laayaan,
oo maxaabbiis u qabsadaan, oo gaadaan dadka iyaga ka diinta duwan, kuwan oo ay ugu
yeedhaan "kaafiriin"
(Suurradda, At-Towbah 9:5). Kuwa diinta Islaamka ka baxay ayaa
iyaguna dil ku xukuman, "k
ii diintiisa beddela, dila!" (Saxiix Bukhaari 4:52:260).

Haddaba, ka waran haddii uu qofka Muslinka ahi awood ama fursad u waayo inuu fuliyo labadaa amar ee muhiimka ah ee aynu kor ku xusnay? Waa halkan meesha qofka Muslinka ah loo banneeyey inuu "gaalka" nebcaado, oo been abuur (blackmail) ka sameeyo!

Waxaa jirta caqiido diinta Islaamka ku jirta oo la yidhaahdo Taqiya (saxiix Muslin 32:6303).
Tani waxay iyaga u oggolaanaysaa inay magaca Ilaahooda been ku sheegi karaan, haddii
ay Islaamka dani ugu jirto ama lagu difaacayo. Dabcan, tan waxaa soo geleysa in been iyo
dacaayad laga fidiyo Soomaalida Masiiyixiyiinta ah oo lagu eedeeyo inay lacag
qaataan iyo wixii la mid ah, {laakiinse haddaynu Masiixiyiin nahay waynu ognahay inuu
Ilaahay quduuus yahay oo aan Isaga been loo sheegi karin, laga sheegi karin, looguna
adeegi karin
}.


Waxa kale oo ay Soomaali badan oo Muslimiin ahi caqiidadan Taqiya daliishadaan ama niyadda ku hayaan marka ay qaxooti ahaan isaga dhiibayaan waddamada reer Galbeedka ee ay beenta sheegayaan, ama musuqmaasuqyo badan oo kale meelahaa ka samaynayaan. Waxaad marar badan iyaga ka maqlaysaa hal-haysyo ay ka mid yihiin, "way bannaan tahay in gaallada la siro, marna gaallada raalli ha ka ahaanina (xaasida) ...iwm!"

2. Jaahilnimada iyo Cabudhiska:

Dhibaatooyinka ay jaahilnimada iyo xorriyad la'aantu keenaan waxaa ka mid ah inay dad
yar oo wax ma garato ahi bulshada xero ku ootaan oo ay ka dhaadhiciyaan waxa ay iyagu
rabaan. Xorriyaddaha qofka bini'aadankana waxaa ugu muhiimsan xorriyadda fikirka iyo ta
qowlka. Labadanba Soomaalida dhexdeeda kama jiraan! Waa dad isu wada afduuban, oo
qofkii lagu arko fikir ka duwan ka ay dadka badankiisu (the crowd) haystaan, waa la
takoorayaa waxaana laga faafinayaa dacaayad, Soomaaliga caadiga ah waxaa ka
dhaadhici la' in uu qofku fekeri karo, caqligiisa isticmaali karo, oo dooran karo nolosha,
fikirka, iyo caqiidada uu isagu ku qanacsan yahay!

​
iska daa Masiixiyiinta oo, waxa aad kale oo arkaysaa wadaado isla Muslinkooda ah ama
kuwo diinta ku takhasusay (scholars) oo la eedaynayo, takoorayo, naftoodu khatar ku jirto,
oo qaarna la dileyba, sabab? Waayo, xadiis ama aayad bay u fasireen si ka duwan sida
kuwa dadka cabudhiska ku haysta u fasiraan (kuwan oo iyaguna wadaado u badan!) ama
waxaa iyaga dhibta loogu geystey fikraddooda ah inay dadyowga kala jinsiga iyo kala
caqiidada ahi nabad ku wada noolaan karaan. Yaab ma aha markaa in bulshada noocan ah
laga dhaadhiciyo in lacag la isku siiyo diin laga baxay darteed!


3. Dhaqan Musuqmaasuq ah (Culture of Corruption):

Halgamaagii iyo gabyaagii weynaa ee Soomaaliyeed, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
oo dhaqanka Soomaalida aad u yaqaaney ayaa runtan weyn ka sheegay iyaga, markii
uu mid gabayadiisii ka mid ah ku yidhi, "m
usuqmaasuq iyo beeni waa Soomaali
meheraddeedii e..
." Waxaad u malaysaa inuu qofka Soomaaliga ahi ku fekero caloosha!
"Maxaan cunaa? Aan ka macaashayaa? Dan ah oo iigu jirta...?"


Waxaynu iska wada ognahay in musuqmaasuqu ugu weyn yahay waxyaabaha Soomaaliya
curyaamiyey. Warbixinta ay sannad kasta soo saarto hay'adda Transparecy International
ee musuqmaasuqa adduunka ka hadasha, mar kasta Soomaaliya ayaa musuqmaasuqa
lambarka koowaad ka gasha.
Bulsho uu kor iyo hoosba musuqmaasuqu sidan weyn
u 
saameeyey, ficil ahaan iyo fikir ahaanba, aad bay suurtogal uga tahay inay ka
dhaadhacdo waxyaallo lagu qoslo sida diin la iibsado!


C. XAQIIQADA JIRTA

Runtu waxaa weeye , inay kooxaha ama firqooyinka Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya ka jiraa yihiin kuwa ay waddammada Carabtu ku maalgeliyaan arrimo diimeed dartood! Maanta, Soomaalidii ayaa loo kala qaybiyey firqooyin badan oo aanay midna ta kale arki karin: Ikhwaanul-Muslimiin, Al-Islaax, Al-Ictisaam, Maxmadaha Islaamiga ah, Al-Qaacida, Al-Shabaab, ISIS iyo kuwo fara badan oo kale. Waxay ka soo qayb qaateen burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dagaalladii sokeeye, welina qaarkood waxay xasuuq, argagax, iyo barakicin ku hayaan ummadda Soomalaiyeed.

Weli caddayn looma hayo qof Masiixi Soomaaliyeed ah oo lacag ku qaatay arrimo diineed ama dhib u geystey dadka Soomaalida. Bil caksi, waxaa markhaati loo hayaa tobanaan Soomaali Masiixiyiin ah oo caqiidadooda darteed loo laayey iyaga oo ku jira hawlo samafal iyo horrumarin ah oo ay bulshadooda u hayeen.


D. GUNAANAD

Ciise Masiix, xertiisa wuu u sheegay in laga samayn doono dacwooyin been ah rumaysadka ay isaga ku qabaan dartii. Waynu ognahay inay eedaymahani ka yimaaddeen Shaydaanka kaas oo lagu yaqaano inuu yahay beenaalle eedeeya kuwa Ilaahay doortay. Masiixu wuu ka adkaaday Shaydaanka, wuxuuna na barayaa inaynaan cabsan, waayo Ruuxa Ilaahay ee inagu jira ayaa ina siinaya xooggeyn, iskukalsoonaan iyo eed la'aan.

Dacwooyin ama eedaymo been ah baa la idinku soo oogi doonaa:

"Laakiin dad iska jira, waayo, waxay idiin dhiibi doonaan shirar, oo sunagogyadooda ayay idinku karbaashi doonaan. Oo waxaa aawaday laydiin hor geeyn doonaa taliyayaal iyo boqorro inay marag ku noqoto iyaga iyo dadka aan Yuhuudda ahayn. Laakiin goortay idin gacangeliyaan, ha ka welwelina sidaad u hadli doontaan ama waxaad ku hadli doontaan, waayo, waxaad ku hadli doontaan ayaa saacaddaas laydin siin doonaa. Waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Aabbihiin kan idinka dhex hadlayaa" (Injiilka, Matayos 10: 17-20).

Eedaymahan barako ku tiriya, waayo dadka uu Shaydaanku adeegsanayo sidaas ayay weligood been uga sheegi jireen kuwa uu Ilaahay doortay:

"Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday. Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey." (Injiilka, Matayos 11: 11-12).
​​
Ilaahay ha idin dhowro oo ha idin barakeeyo.

0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    Picture

    Author: Abdi Duale

    Archives

    September 2019
    November 2018
    September 2018
    June 2018
    May 2018
    April 2018
    March 2018
    December 2017
    August 2017
    May 2017
    February 2017
    December 2016
    November 2016
    September 2016
    August 2016

    RSS Feed

    AKHRISYO DHEERAAD AH
    (Guji sawirka oo akhriso)
    Picture
    Picture
    Picture
    Picture
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub
​
Jesus Film  (Somali)
Brother Rachid   (Arabic)
Middle East Resources (English)



​© COPYRIGHT 2019 Somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US