Qore: Abdi Duale Muran badan ayaa maalmahan ka taagan qaxootiga. Waddamada reer Galbeedku waa meelaha keliya ee qaxootiga ugu badani ka dhisan karaan nolol nabad, horumar, iyo ciso leh. Laakiinse, waxay u muuqataa inay meelahaas ka soo baxayaan xisbiyo iyo madax ka soo horjeeda qaxootiga guud ahaan, iyaga oo gaar ahaan shaki weyn kasii qaba qaxootiga Muslimiinta ah. Tani waxay aad saamayn ugu yeelanaysaa Soomaalida. Haddaynu Masiixiyiin Soomaaliyeed nahay waa waajib ina saaran inaynu ka hadallo inaanay go'aanadan cusubi ku dhisnayn waxbariddii Ciise Masiix, oo aan gaar ahaan si firfircoon uga qayb qaadano inaan diin ahaan iyo dhalasho ahaanba lagu faquuqin dadkeena Soomaaliyeed ee mudada dheer dhibaatadu haysatey.
0 Comments
|