Somali Believers Fellowship
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

ISLAAMKU MA “DIIN NABADEED” BAA?

3/9/2019

0 Comments

 
Ilaa iyo markii aan dhashay, waxay imaamada masaajidada iyo qoyskayagu i barayeen in uu Islaamku yahay “diin nabadeed.” Midda yaabka lihi waa inuu hal-hayskan caanka noqday jirey xataa muddo aad iiga horreysey.

Read More
0 Comments

Hirdanka Awoodeed ee soo Jireenka ah ee Dunida Islaamka Dhexdeeda

5/11/2018

0 Comments

 
Qore: ​Yaroslav Trofimov
Picture
Turkiga iyo Sucuudiga qarniyaal badan ayay cadaawadi ka dhexeysey. Hadda, baadhitaan dil ayaa soo nooleeyey hirdankoodii adkaa, kan oo laga yaabo in uu Bariga Dhexe khalkhal weyn geliyo.
​

SAWIRE: EDEL RODREGUEZ

​​Laba qarni ka hor, dhammaadkii 1818, boqor Sucuudi ah ayaa Istambuul la geeyey isaga oo silsiladaysan. Masaajidka Hagia Sophia ayaa isaga oo shabag bir ah ku xidhan (sida xayawaanka) la hordhigay halkaas oo ay dad badan oo taas ku faraxsani isugu soo baxeen , dabadeedna, iyadoo weli dareenkaa farxadda iyo dabaaldegga ah lagu jiro, ayaa madaxa laga gooyey.
​
Dhacdadan arxan-darrada ah ee Turkiga iyo Sucuudi Carabiya ka dhex dhacday, lama soo hadal qaadin markii uu isku dhicii labada waddan bilowday bishii Oktoobar 2, kaddib markii suxufigii Sucuudiyaanka ahaa ee Jamal Khashoggi lagu dhex diley safaaradda uu Sucuudigu ku leeyahay Istambuul. Cadowtinimadaa soo jireenka ah darteed ayay arrintani Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan fursad wanaagsan u siiyey inuu dhimashada weriyahaas u ciqaabo Guriga reer Sucuud.


Read More
0 Comments

Diintii ayaad Iibsateen!

23/9/2018

0 Comments

 
Qore: Abdi Duale
"Ilaaha ammaantaydow, ha iska aamusin, waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, oo waxay igula hadleen carrab been sheega. Oo weliba waxay igu harreereeyeen erayo nacayb badan, oo sabab la'aan bay iigula dirireen. Anigoo jecel bay cadow ii yihiin. Laakiinse, anigu Ilaah baan baryaa. Wanaag waxay iigaga abaalgudeen xumaan, jacaylna nacayb"  (Sabuurrada nebi Daa'uud 109:1-5).

A. HORDHAC

Marka laga soo tago cayda, habaarka, hanjabaadda, takoorka, iyo dhibaatooyinka kale ee badan ee naga soo gaadha Soomaalida Muslimiinta ah, waxaa kale oo jirta arrin soo noqnoqota oo Soomaali badan ka dhaadhacsan oo ay nagu eedeeyaan, taas oo ah: inay Soomaalida Masiixiyiinta ahi diinta uga baxeen lacag la siiyey darteed! Waxaa fikradaha ay Soomaalidu noo soo diraan aad ugu badan, "lacag baad qaadateen, diintii baad iibsateen, adduun baad diintii ku beddelateen... iwm." 

Read More
0 Comments

Sida Xawliga ah ee Islaamka looga sii "Qulqulayo"

5/9/2018

0 Comments

 

Qore: ​Bassam Michael Madany

War kuma yara adduunka Carabta haddii aad eegtid wargeysyada la daabaco iyo internet-kaba. Wararka saaka igaga soo hor baxay ilo-wareedyo kala duduwan waxaa ka mid ahaa: "Dadaalka Iraan ugu Jirto inay Saamayn Dheeraad ah ku Yeelato Ciraaq iyo Siiriya oo Kacdoon lagala Hor Yimid." "Madaafiic ay Maleeshiyada reer Gaza ku tuureen Israa'iil ayaa Israa'iil duqayn kaga jawaabtey." Iyo mowduucyo kale oo aan haba yaraatee wanaag ku  sallaysnayn sida kooxo Liibiya jooga oo madaxnimada isku haysta, colaadda Siiriya iyo qolooyinka badan ee gacanta kula jira iyo wixii la mid ah.
​
Haddii dhinac kale laga eego, haba yaraatee warbaahinta caadiga ahi waxba kamay odhan isbeddelka ka socda bulshooyinka Carabta dhexdooda ee tusaya sida xawliga ah ay dhallinyaradu diinta Islaamka uga "sii qulqulayaan." Laga yaabee inay warbaahinta reer Galbeedku mowduucan u arkaan mid xaasaasi ah oo ay tahay in laga aamuso!

Read More
0 Comments

GUMAADKII LA QARIYEY: Meeye Addoontii Afrikaanka Ahayd ee Carabta-Muslinku Qaadatay?

12/6/2018

4 Comments

 
Qore: Bassam Michael Madany
​Sannadkii 2008, waxaa la daabacay buug la yidhaahdo “Le Génocide Voilé” oo uu qoray nin reer Sinigaal ah oo ku nool caasimada waddankaa ee Dakar, oo magaciisa la yidhaahdo Tidiane N’Diaye, oo ku takhasusay cilmiyada dhaqanka iyo dhaqaallaha. Qoraalkani waa dulmar buuggaas ku saabsan:
 
“Carabtu muddo saddex iyo toban qarni ah ayay si aan kala joogsi lahayn u soo weerarayeen oo u dhacayeen Afrikada Saxaaraha ka hoosaysa (Madow). Inta badan raggii ay qafaasheen ee kaxaysteen waa le’deen, sidii bini’aadanimada ka basxanayd ee loola dhaqmay darteed. Cutubkan xanuunka leh ee taariikhda dadka Madow ahi uma muuqdo mid joogsadey. Hab-dhaqankan xun ee ay Madowga kula kacayaan wuxuu bilowday kaddib markii uu nin Amiir iyo Jeneraal ahaa oo Carab ah oo la odhan jirey Cabdillaahi bin Siciid ku khasbay Suudaaniyiinta “Bakht” (heshiis) sannadkii 652, kaas oo iyaga ka dalbanayey inay sannad kasta isaga u keenaan boqollaal addoomo ah. Badankoodu waxay ahaayeen rag laga soo uruuriyey dadka reer Darfuur. Halkaas ayaa noqotay meel si sharciyan malyuumaad Afrikaan ah laga daadgureeyo taas oo si aan kala joogsi lahayn u socotey ilaa iyo bilowgii qarniga 21-aad.”

Read More
4 Comments

Maalinta Bentekoste: Dhalashadii Kaniisadda

20/5/2018

0 Comments

 
​Qore: Abdi Duale
Faafiddii Injiilka waxaa saldhig u ahaa Amarkii Weynaa ee Ciise Masiix xertiisa siiyey ka hor intii uusan samada u bixin, ee uu iyaga ku yidhi, ”Taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa, oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray,” (Injiilka, Matayos 28:19, 20). Maaddaama ay faafinta Injiilku ahayd mas’uuliyad aad u weyn, waxay ahayd in xertii lagu xooggeeyo awoodda Ilaahay si ay amarkan u fuliyaan {xasuuso inaanu Injiilku ku faafin seef iyo jihaad}. Sidaas daraaddeed, ayuu Ciise Masiix xertiisii aadka u tirada yarayd ku yidhi, “Jooga magaallada {Yerusaalem} ilaa xoog laydinka huwiyo xagga sare” (Injiilka, Luukos 24:49). Iyagoo awooddan Ilaahiyanka ahi xooggeyneyso ayay kari dooneeyn inay Masiixa uga markhaati kacaan, “Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog” (Falimaha Rasuullada 1:8).

Read More
0 Comments

Isu Ekaanshaha: Culimada Soomaalida iyo Wadaadadii Faariisiinta

24/4/2018

2 Comments

 
Qore: Abdi Duale
Picture
​Muddo dheer oo aan Injiilka akhrisanayey waxaa maalinba maalinta ka dambeysa ii soo caddaaneysey oo igaga yaabineysey isu ekaanshaha aadka weyn ee ay wadaagaan culimada Soomaaliyeed ee maanta badankooda iyo wadaadadii Yuhuudda ee Faarisiinta la odhan jirey ee wakhtigii Ciise, kuwaas oo ugu yeedhay “laba wejiileyaal.” 
​
Faarisiintu waxay ahaayeen wadaadadii Yuhuudda ee ugu muhiimsanaa wakhtigii uu Ciise Masiix adduunka joogey. Waxay isu haysteen inay ahaayeen kuwa ugu xaqsan, ugu fiican, ugu quduusan, oo u qalma inay dadka hoggaan u noqdaan. Sharciyadii Towreedda ayay sii balaadhiyeen oo ka dhigeen kuwa aanay suurtogal ahayn inay dadku dhowraan. Waxay keliyoo had iyo goor ku mashquulsanaan jireen inay naftooda, dadka kale iyo Ilaahay tusaan sida ay ehlu-diinka u yihiin oo ay qaynuunada u dhowraan, kuwaas oo ay dhab ahaantii iyagu qorteen. Qoraalkan waxaynu ku eegeynaa qaar ka mid ah dabeecadihii iyo hab dhaqankii khaldanaa ee uu Ciise Masiix ku arkay Faarisiinta kuna eedeeyey, kuwan oo si toos ah looga arko culimada Soomaalida ee maanta badankooda. Dhowr aayadood ayaynuna ka soo xiganeynaa Injiilka Quduuska ah:


Read More
2 Comments

Macnaha Ciidda iister-ka (Easter) iyo Jimcaha Wanaagsan (Good Friday)

30/3/2018

3 Comments

 
​Qore: Abdi Duale

Waxaad is weydiin kartaa, maxay iister-ku muhiim u tahay? Waayo, haddii aan iister jirin Masiixiyadduna ma jirteen! Dhimashadii iyo sarakiciddii Ciise Masiix ayaa saldhig u ah wax kasta oo ay Masiixiyiintu rumaysan yihiin! Dhimashada Ciise ayaa inoo oggolaatay inaynu Ilaahay dib ula heshiino. Sarakiciddiisa ayaa ina siinaysa rajo ah inaynu mar kale noolaanayno, xataa dhimashada kaddib, “Oo haddii aan Masiixa la sara kicin, rumaysadkiinnu waa khasaare, oo weli dembiyadiinna ayaad ku jirtaan” (1 Korintos 15:17).
​​​
​​Maalinta Sarakiciddu (iister-ku) waa maalinta sannadka ugu quduusan ee Masiixiyiinta. Xataa waxay ka muhiimsan tahay Kirismas-ka. Waxay kaloo Kirismas-ka kaga duwan tahay in dhimashadii iyo sarakiciddii taariikhiyan la garanayo oo la qoray oo la hubo. Waxaynu ognahay inay ku salaysan tahay maalinta Kormaridda ee Yuhuuda oo kumanyaal sanno la xuso​​.


Read More
3 Comments

Sababta uu Islaamku uga Duwan Yahay Diimaha Kale oo Dhan

19/3/2018

1 Comment

 

Qore: Rev. Bassam M. Madany

Picture
​​Dadka Maraykanka intooda badan iyo dadyowga kale ee reer Galbeedka ahiba, waxay u maleeyaan inuu Islaamku yahay sida diimaha waaweyn  ee adduunka ka jira oo kale, sida Buudiisamka, Masiixiyadda, Hinduuga, Towreedda, iyo Shiintooga. Waxaa aad loogu hadaaqaa “Islaamku waa diin nabadeed,” oo xagjirnimo kasta oo Islaamka ka dhex jirta waxaa loo aaneeyaa oo keliya seef-laboodka. Markaa, xagjiriintan, ama Islaamiyiin ku-sheeggan ayaa diintii “nabadda” ahayd afduubay!


Read More
1 Comment

4 Kooxood oo la Takooro oo Ciise Masiix Jeclaa

11/12/2017

0 Comments

 

​Qore: Abdi Duale

Bulsho kastaa waxay leedahay shakhsiyaad ama kooxo la takooro oo lagu khasbo in bulshada gees looga saaro lagana qadiyo fursadaha sinnaanta iyo horumarka. Soomaali ahaan, waxaan tusaale u soo qaadan karaa dadka ka tirsan qabiillada la takooro sida Midgaha ama Madhibaanka iyo Soomaalida Baantuuga ah, dumarka, dadka faqiirka ah (sida qaxootiga ama Barakacayaasha) iyo dadka jirran (maskaxiyan iyo jidh ahaanba). Marar badan ayay diintuna caawimaad ka geysataa takooridda dadkan lagu hayo. Yerusaalem-tii qarninigii 1-aad ee Ciise yimid kama ay duwanayn sidan.

Read More
0 Comments
<<Previous
    Picture

    Author: Abdi Duale

    Archives

    September 2019
    November 2018
    September 2018
    June 2018
    May 2018
    April 2018
    March 2018
    December 2017
    August 2017
    May 2017
    February 2017
    December 2016
    November 2016
    September 2016
    August 2016

    RSS Feed

    AKHRISYO DHEERAAD AH
    (Guji sawirka oo akhriso)
    Picture
    Picture
    Picture
    Picture
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub
​
Jesus Film  (Somali)
Brother Rachid   (Arabic)
Middle East Resources (English)



​© COPYRIGHT 2019 Somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US