Somali Believers Fellowship
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Munaaraddii Baabel

7/11/2016

0 Comments

 
Bilowgii 10, 11

Casharkeenii ugu dambeeyey waxaynu soo gabagabeyney barashadeenii nebigii Ilaahay, Nuux. Waxaynu soo aragnay inuu Ilaahay doonay inuu farcankii Aadan ku halaago daad dembigoodii aawadiis. Boqol sanno ayuu Ilaahay dembeeliyaasha ku siiyey wakhti ay ku toobadkeenaan, intaas oo dhanna Nuux wuxuu dhisayey doon ay ku magangali dooneen kuwa Erayga Ilaahay rumayn dooney. Sidaas oo ay tahay, qofna dembiisii kama soo noqon, oo waxyigii Ilaahay muu rumayn, oo aan ka ahayn Nuux iyo qoyskiisii. Ugu dambaystiina, Ilaahay, oo xaq iyo aamin ah wuxuu sameeyey wixii uu ballanqaaday. Wuxuu halaagey mid kasta oo aan doonta ku jirin, oo badbaadiyey dhowrkii qof ee doonta soo soo galay.​
​
Casharkan waxaynu weli ku dhex jirnaa kitaabka Bilowgii, oo waxaynu baran doonaa wixii dhacay muddadii ku xigtey wakhtigii Nuux. Waxaynu soo aragnay inuu Nuux lahaa saddex wiil, Sheem, Xaam, iyo Yaafed. Dadka adduunka oo dhammi waxay ka soo farcameen saddexdaa wiil ee Nuux. Sidaa daraadeed, waxaynu maanta odhan karnaa, in maadaama uu Nuux Ilaahay rumeeyey, oo qoyskiisii doonta ku badbaadiyey, ay keentay inaynu innagu maanta jirno. 
Ilaahay wuxuu barakeeyey Nuux iyo wiilashiisii, oo ku yidhi, "Wax badan dhala, oo tarma, oo dhulka ka buuxsama." (Bilowgii 9:1) Sidaa daraadeed, boqolaal sanno kaddib adduunka waxaa mar kale ku noolaa dad aad u badan. Laakiinse, mar kale, adduunkii waxaa kharaabiyey dembi. Dembigii bini'aadanka qalbigooda ku shaambadaysnaa ee ay ka dhaxleen Aadan isma beddelin xataa daadka dabadiis. Inta badan farcankii Nuux dan kama sii yeelan Ilaahay iyo doonistiisa, sidii awowgood Nuux. Ilaahay ugama ay mahadcelin inuu iyaga siiyey nolol iyo neef, iyo qorax iyo roob iyo cunto. Qaanso-roobaadka ayaa Ilaahay daruuraha dhex geliyey si ay iyaga u xasuusiso aaminimadiisa, taasna badankoodu way ilaaween. Erayga Ilaahay wuxuu dadka berigaa jirey ku qeexayaa aayadahan:

"Maxaa yeelay, iyagoo Ilaah garanaya ayayan isaga Ilaah ahaan u ammaanin, umana ay mahadnaqin, laakiin fikirradoodii waa xumaadeen, qalbigoodii garaadka la'aana waa madoobaaday. Iyagoo kuwo caqli leh isku sheegaya ayay nacasoobeen, maxaa yeelay, runtii Ilaah bay been ku beddeleen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ummadda intay caabudi lahaayeen kan uumay oo weligiis ammaanta leh. Aamiin." (Rooma 1:21,22,25)

Sidii Qaabiil iyo farcankiisii, inta badan farcankii Nuux waxay doorteen inay runta aasaan, oo ay xaqnimo darradooda ku sii socdaan. Diin way lahaayeen, laakiinse waxay ahayd diin been ah oo aan qaabilsanayn jidka xaqnimada ee uu Ilaahay dejiyey. Iyagu may dhegeysan Erayga Ilaahay ee runta ah. Waxayse dhegeysanayeen Shaydaanka.

Waxaa jirey nin magaciisa la odhan jirey Nimruud, oo ka soo farcamay Xaam, wiilkii labaad ee nebi Nuux. Nimruud wuxuu ahaa nin xoog badan oo caan ku ah ugaadhsiga, wuxuuna noolaa shan boqol oo sanno Nuux kaddib. Magaciisa waxaa lagu macnayn karaa Fallaag. Nin caqli badan ayuu ahaa, laakiinse Ilaahay muusan aqoon. Isagu Ilaahay wuu iska dhego tiray oo Shaydaanka ayuu u adeegey, sidii Qaabiil iyo qoonkii nebi Nuux. Nimruud wuxuu dhisay dhowr magaalo oo waaweyn, haddana, wuxuu qorsheynayey inuu dhiso magaalo weyn taas oo uu ugu talo galay inay dadka adduunka joogey oo dhammi iyagoo mid ah kuwada noolaadaan. Aynu Erayga Ilaahay ka akhrino wax ku saabsan magaaladaa weyn ee Nimruud iyo kuwii la jirey qorsheeyeen inay dhisaan:


"Dhulka oo dhammuna wuxuu ahaa isku af iyo isku hadal keliya. Waxaana dhacday markay xagga bari u sii socdaaleen inay waddankii Shincaar meel bannaan ka heleen; oo halkaas ayay degeen. Oo waxay isku yidhaahdeen, Ina keena, aynu leben samaysannee, oo aynu aad u dubnee. Oo waxay dhagaxa meeshiisa u haysteen leben, nuuradda meesheedana dhoobo. Oo waxay yidhaahdeen, Ina keena, aynu magaalo dhisannee, iyo munaarad dhaladeedu samada gaadho, oo aynu magac yeelannee, waaba intaasoo aynu dhulka dushiisa oo dhan ku kala firidhnaaye." (Bilowgii 11:1-4)

Eeg, sida ay farcankii Aadan u qorshaynayeen inay magaalo weyn dhisaan iyo munaarad dheer oo samada gaadheysa. Maxay u doonayeen inay munaaraddan dheer dhisaan? Nimrood iyo dadkii la jirey waxay doonayeen inay adduunka magac ku yeeshaan oo caan noqdaan. Waxay qorsheynayeen inay dadka adduunka oo dhan meel isugu wada keenaan, si ay xoog u yeeshaan oo aanay adduunka ugu kala firdhin. Laakiinse, wixii ay qorshaynayeen Ilaahay raali kama ahayn. Ilaahay wuxuu carruurtii Nuux u sheegay inay adduunka dacalladiisa ku baahaan. Ilaahay, oo bini'aadanka abuuray, wuu garanayey waxa dadka adduunka u fiican. Laakiinse, farcankii Nuux badankiisu dan kama lahayn waxa uu Ilaahay doonayey. Waxay is bideen inay Ilaahay ka caqli badan yihiin. Sida Shaydaanka oo kale, iyaga qalbiyadooda waxaa ka buuxey Isla-weynaan iyo Ilaahay ku falaagow. Laakiinse, Ilaahay wuxuu Eraygiisa ku odhanayaa: "Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa." (Matayos 23:12) "Wixii dadka dhexdooda lagu sarraysiiyaa, Ilaah hortiisa waa ka karaahiyo." (Luukos 16:15)

In qof la sarraysiiyo ama aad naftaada magac weyn u doondoontid Ilaahay hortiisa waa ka dembi, waayo waxaa jira hal magac oo keliya oo sarraysiin iyo ammaan u qalma. Magacaasina waa magaca Rabbiga ah Ilaaha dhulka iyo samada abuuray! Erayga Ilaahay wuxuu odhanayaa: "Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano. Ma aha ka qudhiisa ammaana ka loo bogaa, laakiin waa ka uu Rabbigu ammaano." (2 Korintos 10:17,18)

Laakiinse Nimruud iyo inta badan carruurtii Aadan may tixgelin Ilahaay. Waxay isu maleeyeen inaanay Ilaahay iyo Eraygiisa-toona u baahnayn. Waxa maskaxdooda ku soo dhaca ayay ku socdeen. Waxaa dabeecad u ahayd fallaaganimo iyo madaxbanaani. Ilaa iyo maantadan, dabeecad noocan oo kale ah ayaa bini'aadanka qalbiyadooda ku jirta. Xataa iyaga oo carruur ah ayay bilaabaan inay fallaaganimo muujiyaan oo loo yeelo waxay ay rabaan. Maxaa qalalaase dhex dhigay bini'aadanka, ka bilow qoyska ilaa iyo waddammada dhexdooda? Aniga! Aniga! Aniga! Lacagtayda! Shaqadayda! Alaabtayda! Qof kastaa wuxuu rabaa inuu doonistiisa helo, ama loo yeelo, waana sababta uu adduunka uga buuxo nacayb, muran, iyo dagaallo. Ilaahayna wuu neceb yahay dabeecadda noocan oo kale ah, waayo Magaciis oo keliya ayaa ammaan u qalma, waana sababta uu u yidhi:
"Anigu waxaan ahay Rabbiga, kaasuna waa magacayga, oo sharaftaydana mid kale ma siin doono." (Ishacyaah 42:8)

Kuwii munaaradda dhisayey Ilaahay dan kama lahayn. Eraygiisiina way iska dhego tireen. Haddaba, muxuu Ilaahay sameeyey? Miyuu iska dhaafay qorshahan ay dadku ku doonayeen inay Abuurahooda ka madaxbannaadaan? Miyuu iska indhotiray fallaaganimadan? Maya! Erayga Ilaahay wuxuu odhanayaa:

"Rabbiguna wuxuu u soo degay inuu arko magaaladii iyo munaaraddii ay binu-aadmigu dhisayeen. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eega, iyagu waa isku dad keliya, oo dhammaan isku af keliya bay leeyihiin, oo waxanuna waa waxa ay bilaabayaan inay sameeyaan, oo haatan wax ka hor joogsan doona waxay damcaan inay sameeyaan ma jiraane. Ina keena, aynu degnee, oo halkaas aynu afkooda iskaga qasnee, yaan midna midka kale hadalkiisa garanine. Kolkaasaa Rabbigu halkaas ka kaxeeyey oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan, oo dhisiddii magaaladii way joojiyeen. Sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Baabel, maxaa yeelay, halkaasaa Rabbigu afkii dhulka oo dhan iskaga qasay; oo halkaasuu Rabbigu ka kaxeeyey iyagii oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan." (Bilowgii 11:5-9)
​

Ilaa iyo markaa dadku isku luuqad bay ku wada hadli jireen. Ilaahay ayaa qorshihii Nimruud iyo kuwii magaalada weyn la dhisayey fashiliyey. Luuqadoodii ayaa la isku murgiyey, si aan midna ka kale u fahmin. Xasuuso inuu Ilaahay farcankii Nuux ku amray inay "adduunka buuxiyaan", laakiinse Nimruud iyo raggiisii waxay doonayeen inay siday rabaan sameeyaan, oo dadka adduunka oo dhan meel isugu wada keenaan. Ilaahay ayaa doonistoodii is hortaagey kaddib markuu luuqado cusub u sameeyey. Sidaas ayaa dadkii adduunka dacalladiisa ugu kala firdheen. Maantana waxaa adduunka ka jira boqolaal quruumood iyo kumanyaal luuqadood. Runtii Ilaahay wuu isku qasay dadka luuqadihiisii. Ka feker inta luuqadood ee tusaale ahaan, Itoobiya oo keliya lagaga hadlo. Micnaha magaca magaaladaa Baabel ee ay doonayeen inay dhisaan waa wareer. Nolol aan Ilaahay iyo Eraygiisa aqoon waa wareer miidhan!

Tani waa qisadii magaaladii Baabel iyo dadkii doonayey inay magacooda sarraysiiyaan. Miyaynu nahay sidii dadkii Baabel dhisayey oo kale? Nafteena miyaynu sarraysiinaa mise magac mid kale oo aynu u haysano inuu muhiim yahay? Ama xataa meel gaar ah?  Ilaahay wuxuu ina barayaa inay dembi tahay in sidaas la sameeyo. Yaad ammaan iyo sarraysiin ka sugeysaa? Ma Ilaahay mise bini'aadan? Mid baa hubaal ah. Ammaanta bini'aadanka laga helaa waa dhammaan doontaa, laakiinse ammaanta Ilaahay ka timaaddaa weligeed way waaraysaa! Erayga Ilaahay wuxuu odhanayaa: "Wax kasta oo jiidh lahu waa sida caws oo kale, Oo quruxdiisa oo dhammuna waa sida ubaxa duurka oo kale, Haddaba cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa." (1 Butros 1:24)

Kitaabkii Nebi Yeremyaah-na waxaa Ilaahay inoogu qoray:

"Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii xigmad lahu yuusan xigmaddiisa ku faanin, oo kii xoog badanuna yuusan xooggiisa ku faanin, oo kii taajir ahuna yuusan maalkiisa ku faanin, laakiinse kii faanaa ha ku faano inuu i garanayo oo uu i yaqaan inaan anigu ahay Rabbiga dhulka ku sameeya raxmadda, iyo caddaaladda, iyo xaqnimada, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahaasaan ku farxaa." (Yeremyaah 9:23,24)
​

Ilaahay Eraygiisa ha idinku barakeeyo, oo ha idinka dhigo kuwo adeeca. Aamiin.
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    "Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyin-
    kaygana iftiin. Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah." (Sabuurradii 119:105)

     "Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa." (Sabuurradii 107:1)

    "Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee."
    ​
    (Yooxanaa 14:6
    )

    "Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix."
    ​(Rooma 6:23)
    "Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene."
    (2 Korintos 5:17)
    "Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa." (Filiboy 4:4) 
    ​"Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 
    laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya."
    ​
    (Matayos 5:43,44) 

    "Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah." (Rooma 3:23)
    "Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey." (Rooma 5:8) 
    "Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa."
    (Fallimaha Rasuullada 1:11)
     
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub
​
Jesus Film  (Somali)
Brother Rachid   (Arabic)
Middle East Resources (English)



​© COPYRIGHT 2019 Somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US