Casharradii aynu soo dhaafnay, waxaynu ku soo baraneyney Ilaahay iyo xaqnimadiisa. Waxaynu soo aragnay Aadan iyo Xaawa, Qaabiil iyo Haabiil, Nuux iyo qoonkiisii, iyo Munaarradii Baabel. Awooweyaashaas aynu ka soo farcannay, kuwo tiro yar ayaa Ilaahay iyo jidkiisa xaqnimada ka raacay; intooda badani waxay raaceen Shaydaanka iyo xaqdarradiisa. Casharkan waxaynu ku baranaynaa qisadii nin magaciisa aad looga yaqaan Erayga Ilaahay oo meel muhiim kaga jirey qorshihii Ilaahay ku badbaadinayey farcankii Aadan. Erayga Ilaahay wuxuu ninkaas ugu yeedhaa “saaxiibkii Ilaahay” iyo “aabbihii dhammaan kuwa ramaysiga leh.” Ma garanaysaa ka uu kani yahay? Waa nebigii Ilaahay ee Ibraahim. Qorniinka quduuska ahi aad buu uga hadlaa Ibraahim. Magaciisa in ka badan 300 oo jeer ayaa lagu sheegay Qoraalladii nebiyada. Sidaa daraadeed, casharrada soo socda waxaynu ku baranaynaa waxyaalaha uu Qorniinku inooga sheegayo Ibraahim-kan loogu yeedhay Ilaahay saaxiibkiis.
0 Comments
Bilowgii 10, 11
Casharkeenii ugu dambeeyey waxaynu soo gabagabeyney barashadeenii nebigii Ilaahay, Nuux. Waxaynu soo aragnay inuu Ilaahay doonay inuu farcankii Aadan ku halaago daad dembigoodii aawadiis. Boqol sanno ayuu Ilaahay dembeeliyaasha ku siiyey wakhti ay ku toobadkeenaan, intaas oo dhanna Nuux wuxuu dhisayey doon ay ku magangali dooneen kuwa Erayga Ilaahay rumayn dooney. Sidaas oo ay tahay, qofna dembiisii kama soo noqon, oo waxyigii Ilaahay muu rumayn, oo aan ka ahayn Nuux iyo qoyskiisii. Ugu dambaystiina, Ilaahay, oo xaq iyo aamin ah wuxuu sameeyey wixii uu ballanqaaday. Wuxuu halaagey mid kasta oo aan doonta ku jirin, oo badbaadiyey dhowrkii qof ee doonta soo soo galay. Casharkan waxaynu weli ku dhex jirnaa kitaabka Bilowgii, oo waxaynu baran doonaa wixii dhacay muddadii ku xigtey wakhtigii Nuux. Waxaynu soo aragnay inuu Nuux lahaa saddex wiil, Sheem, Xaam, iyo Yaafed. Dadka adduunka oo dhammi waxay ka soo farcameen saddexdaa wiil ee Nuux. Sidaa daraadeed, waxaynu maanta odhan karnaa, in maadaama uu Nuux Ilaahay rumeeyey, oo qoyskiisii doonta ku badbaadiyey, ay keentay inaynu innagu maanta jirno. Bilowgii 8, 9Casharkan, qorsheheenu waa inaynu dhammayno qisadii nebigii Ilaahay ee Nuux. Marka hore aynu nakhtiino wixii aynu hore ugu soo barannay labadii barnaamij ee ku saabsanaa Nuux iyo daadkii weynaa. Cutubka lixaad ee kitaabka Bilowgii, waxaynu ku soo aragnay inuu sharkii bini'aadanku aad u weynaa berigii Nuux noolaa; damac kasta oo qalbiga bini'aadanka ka soo baxaa wuxuu ahaa shar. Taasina waa sababtii uu Ilaahay u go'aansaday inuu adduunka daad ku soo daayo si uu uga tirtiro dembiile kasta oo diidey inuu dembiyadiisa ka soo noqdo oo Ilaaha runta ah ee nool u soo laabto.
Bilowgii 7Casharkeenkii ugu dambeeyey, waxaynu bilownay inaynu eegno qisadii cajiibka ahayd ee Nebi Nuux kaas oo noolaa toban farcan Aadan kaddib. Iyadoo lagu jiro wakhti fusuq iyo dembi miidhan ah, ayuu Nuux Ilaahay la socdey. Waxaynu soo aragnay sidii uuIlaahay qalbigiisu aadka u murugoodey dembiyada farcankii Aadan daraaddood. Qorniinku wuxuu odhanayaa, "Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba." (Bilowgii 6:5). Waana sababtaa tii uu Ilaahay, cadhadiisa quduuska ah daraaddeed, u qorsheeyey inuu dembiileyaasha (bilaa towbadda ah) adduunka ka tirtiro.
Bilowgii 6Marka aynu dib u jaleecno Qorniinka Quduuska ah, waxaynu hore u soo aragnay in bilowgii, markii uu Ilaahay adduunka abuuray ay wax walbawanaagsanaayeen. Laakiinse, Aadan-kii aynu ka soo farcannay ayaa Ilaahay adeeci waayey, oo shar/dembi ayaa isaga dartii adduunka soo galay oo bini'aadanka oo dhan saameeyey, sida cudurrada faafa! Waxaynu kaloo soo aragnay inuu sharkaasi isla markiiba saameeyey labadii wiil ee Aadan dhalay, ee Haabiil iyo Qaabiil, iyo farcankoodii ka dambeeyeyba.
Bilowgii 4Casharkeenii ugu dambeeyey ee barashada Towreedda, waxaynu ku soo aragnay in kaddib markii ay Aadan iyo Xaawa dembaabeen, uu Ilaahay bilaabay inuu ogeysiis ka sii bixiyo Qorshihiisii ahaa inuu adduunka u soo diro Mid, kaas oo carruurta Aadan ka samatabixin doona awoodda Shaydaanka iyo dembiga iyo cadaabta. Ilaahay oo keliya ayaa dembiga dembiileyaasha dabooli kara, sidaa daraadeed waxaynu soo aragnay inuu Ilaahay Laftiisu neef allabari ahaan u bixiyey oo uu haraggiisii iyaga dhar uga sameeyey si uu Aadan iyo Xaawa qaawanaantoodii ugu daboolo. Ilaahay ayaa allabarigii ugu horreeyey qalay. Waxaynu kaloo soo aragnay inuu Ilaahay sii sheegay inay adduunka ka jiri doonaan laba nooc oo dad ahi: kuwo diidi doona inay Erayga Ilaahay rumeeyaan iyo kuwo rumayn doona.
Bilowgii 3Casharkeenii ugu dambeeyey, waxaynu ku soo aragnay sidii ay Aadan iyo Xaawa uga dheeraadeen Ilaahay kaddib markii ay geedkii uu Ilaahay ka xaaraameeyey cuneen. Sidaa daraadeen, dadkii uu Ilaahay u ekaanshihiisa ka abuuray, waxay doorteen inay Shaydaanka raacaan, oo Ilaahay cadow ku noqdaan. Tan aawadeed, Ilaahay wuxuu iyaga u sheegay wixii uu dembigu adduunka keeni dooney: dhibaato iyo silic, qodax iyo gocondho, xanuun iyo dhimasho. Dembigaas iyo cawaaqibkiisu kuma uu ekaan Aadan iyo Xaawa oo keliya e, wuxuu ku faafay oo saameeyey dhammaan bini'aadanka farcoonkoodii ah. Qorniinka quduuska ahi wuxuu odhanayaa:
Bilowgii 3Innaga oo sii wadna barashadeenii Towreedda, xasuuso inaynu hore u soo barannay inuu Ilaahay imtixaan sahlan hordhigay Aadan, si uu u eego inuu isagu jacaylka ugu weyn Ilaahay u hayey oo diyaar u ahaa inuu Isaga adeeco. Ka hor intuusan haweeneydii abuurin, Ilaahay wuxuu Aadan ku amray, "Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa: laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa." (Bilowgii 2:16, 17) Ilaahay wuu imtixaamay Aadan, oo wuxuu isaga uga digey in ciqaabta adeecid la'aantu dhimasho tahay, iyo Isaga oo uu ka dheeraado. Ilaahay wuu jeclaa Aadan oo wuxuu doonayey inay weligood xidhiidh fiican isla yeeshaan. Laakiinse, waxaynu cashar aynu hore u soo barannay ku soo aragnay inay Aadan iyo Xaawadhegeysteen shaydaankii oo Ilaahay ku dembaabeen kaddib markii ay cuneen geedkii uu Ilaahay ka xaaraameeyey.
Bilowgii 3Waxaynu Kitaabka ugu horreeya ee Towreedda oo la yidhaahdo Bilowgii cutubka 2 aayadda 27 ka akhrinaa, "Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray." Ilaahay wuxuu nafta ninka iyo haweeneyda dhex geliyey ruux awood u leh inuu Ilaahay garto oo jeclaado. Sidoo kale wuxuu Ilaahay iyaga siiyey doorasho xor ah, si ay iyaga laftoodu doorasho ugu yeeshaan inay Ilaahay adeecaan iyo in kale. Waxaa kaloo Baybalka ku qoran inuu Ilaahay iyaga dhex geeyey Beertii Jannada, beer aad u qurux badan oo u barwaaqaysan oo uu iyaga adduunka uga diyaariyey taas oo loogu yeedhi jirey Beer Ceeden. Ilaahay wuxuu ninkii ugu horreeyey ee Aadan, iyo haweeneydii ugu horreysey ee Xaawaahayd siiyey wax kasta oo ay u baahnaayeen si ay ugu noolaadaan nolol nabad iyo barwaaqo leh. Ilaahay wuxuu doonayey inay dadku Isaga gartaan, oo jeclaadaan, oo Isaga weligiis caabudaan.
Bilowgii 2Waxaynu sii wadnaa casharradeenii ku saabsanaa wixii bilowgii dhacay. Casharka maantuna wuxuu ku saabsan yahay Aadan iyo Xaawa.
|
"Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyin-
kaygana iftiin. Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah." (Sabuurradii 119:105) "Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa." (Sabuurradii 107:1) "Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee."
(Yooxanaa 14:6) "Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix."
(Rooma 6:23) "Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene."
(2 Korintos 5:17) "Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa." (Filiboy 4:4)
"Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid,
laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya." (Matayos 5:43,44) "Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah." (Rooma 3:23)
"Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey." (Rooma 5:8)
"Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa."
(Fallimaha Rasuullada 1:11) |