SOMALI BELIEVERS FELLOWSHIP
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Muslimiin Badan oo Masiixiiyiin Noqanaya

26/11/2016

0 Comments

 

Qore: Bassam Michael Madany

Marka aynu eegno waxyaalaha ay warbaahintu ka qorto adduunka islaamka, waxaa inaga yaabinaya badnaanta inta dagaal ee meelahaas ka ololaya!

Iyadoo lagu jiro wakhti magaalada Mosul laga xoraynayo gacanta Daacish, dadkii qaarkood magaalada way ka baxsadeen, laakiinse kuwo badan ayaa weli meeshaas jooga. Waxaa laga baqayaa in marka la gaadho maalmaha ugu dambeeya ee dagaalka, ay Daacish shicibkaa ka dhigato "dhufays bini'aadan ah." Siiriyana, waxaa dhakafaar inagu ridey sida uu dagaalka magaalada Aleppo ka socdaa u kulul yahay. Dagaal sokeeye oo kale ayaa isaguna ka ololaya Yaman, halkaas oo xoogagga Suniyiinta iyo Shiicadu isku dagaalayaan, oo tirada dhimashaduna maalin kasta way sii kordheysaa uun.

​
Laakiinse, dhacdooyinka kor xusani maaha kuwa keliya ee ka dhacaya adduunka Islaamka. Waxaa dhici karta inay kuwo badan kaga yaabiso arrin cusub oo si aamusan ama hoose muddoba u socotey: "Soo badashada dadka Islaamka ka baxaya ee Masiixiga noqonaya.
"
​25-kii Agoosto, 2016-kii, ayaa ninka la yidhaahdo Brother Rachid (walaal Rashiid) uu arrintan kaga faallooday Telefishinka la yidhaahdo "Al-Hayat." Brother Rachid, wuxuu ku bilaabay, "Markii aan anigu Masiixiga noqday sannadihii 1990-kii dhexdoodii, dadka Masiixiga noqonayaa sannadkiiba tobaneeyo kama badnayn, ama laga yaabee boqolaal. Wakhtigaasi wuxuu ahaa ka hor intii aanay jirin internet-ka, Telefishinka Satalaydka, iyo "social media"  ama baraha isgaadhsiinta aa bulshadu ku kulanto. Hadda isticmaalka baahsan ee warbaahinnadan kala duwan daraadood, tirada dadka Masiixiyiinta noqonayaa si joogto ayay u badanayaan; gaar ahaan waddammada aan hore Masiixiyiin u lahaan jirin. Waxay kaloo arrintani ka dhex socotaa Islaamka debedaha ku nool sida Yurub, Maraykanka, Kanada, iyo Ustaraaliya."

"Madaxda Islaamku waxay aad isugu deyayaan inay joojiyaan dhaqdhaqaaqan koraya. Waxay arrintan u arkaan inay khatar ku tahay ammaanka waddammadooda. Masar waxay samaysay hay'ad ammaan oo gaar ah oo wax ka qabata arrintan ay "khatarta" u aragto."

"Calaamaddii ugu horreysey ee arrintani waxay iskeed u soo caanbaxday 2007-dii. May abuubulin oo ma bilaabin hay'adaha reer Galbeelku. Waxa arrintan dardarka geliyey waa teknoologiyada casriga ah! 'Muddo dheer, Muslimiintu waxay ku xabisnaayeen waddammadooda iyo diintooda dhexdeeda. Hadda, noocyada cusub ee warbaahinta ee lagu wada xidhiidho daraadeed, waxay dhegeysan karaan Islaamkii oo si furan oo xor ah looga hadlayo, loona qaadaa-dhigayo, iyo casharro Masiixiyadda ah oo Muslimiinta loogu talogalay oo la bixinayo.'"

2009-kii, ayaan anigu markii ugu horreysey dareemay Muslimiinta sida badan iimaanka Masiixiyadda u qaadayanaya, kaddib markaan akhriyey qoraallo la geliyey website-yo luuqadda Carabiga lagu qoro. Beri dhoweyto, nin caan ah oo qoraa ah oo hore Muslin u ahaan jirey, oo Ibn Warraq la yidhaahdo ayaa qoray qoraal dheer oo cinwaankiisu yahay, "Ka Bixidda Islaamka Ilaa Masiixiyadda." Wuxuu qoraalkan ku daabacay joornaalka la yidhaahdo "New English Review," nuqulkiisii soo baxay Febraayo 2016.

Waa kuwan qaar hadalladiisii ka mid ahi:

"Shan iyo tobankii sanno ee ugu dambeeyey, waxaa jirey buuggaag badan oo waddammada reer Galbeedka lagu qoray oo ku saabsan Muslimiin qaadanaya Masiixiyadda, iyo markhaatifuryaal badan oo ku saabsan kuwaas hore Muslimiinta u ahaan jirey, oo ay xataa ku jiraan kuwo hore uga tirsanaa ururrada argagixisada. Waxaan xasuustaa anigoo yaabay kaddib markaan akhriyey qoraal ku qornaa joornaalka af-Faransiiska ah ee la yidhaahdo Courrier International, Janaayo 2001-dii. ...qoraalkaasi wuxuu markii ugu horreeyey ku soo baxay joornaal maalinle ah oo Aljeeriyaan ah, Al-Yawm, Diseember 2000... 'Dadka la yidhaahdo Kabylie,(qolo Berberiyiin ah oo waqooyiga Algeeriya dega) da' kastoo ay ahaadaanba waxay ku biirayaan Masiixinimada. Magaalooyinka qaarkood, waxaa ku yaal ugu yaraan hal kaniisad, sida tusaale ahaan Ouadhias, Draa Benkheddda, Ain Hammam, iyo Boghni. Tuuladan ugu dambaysa, laba kaniisadood baa laga furay labadii sanno ee ugu dambeeyey. In kasta oo dadkii markii hore kaniisadahan dhisay si qarsoodi ah ku dhiseen, haddana tirada dadka halkaa deggan ee Masiixiyadda qaatay ayaa si degdeg a aad ugu kordhay.'"

Ibn Waraq wuxuu haddana u jeestey waddan kale oo Waqooyiga Afrika ku yaalla oo ka yidhi:
​
"Qoraal 2006-dii ku soo baxay website Marookaan ah, Ya-Biladi, ayaa sheegay sababta uu ku yimid dhaqdhaqaaqan dhinaca Masiixiyadda u socda ee soo koraya, 'Warbaahinta Carabtu waxay ku degdegeen inay dadkan badan ee Islaamka ka baxaya ku eedeeyaan dadka diinta faafiya ee badankoodu Maraykanka yahay, iyadoo taasi noqotay mid Islaamiyiinta xagjirka ahi ka faa'iideen kuwaas oo u ololeeya in la joojiyo xorriyadda diinta ee kooban ee Marooko ka jirta. Laakiinse, eedayntani waa mid khaldan, waayo dad badan oo arrinta u dhuun-daloolaa waxay caddeeyeen, in dad badan u Muslimiin ahi ay ka niyad jabeen dembiyada aadka u xunxun ee magaca Islaamka lagu galo, gaar ahaan kuwii ay sameeyeen Islaamiyiinta reer Algeeriya iyo argagixisada Alqaacida, oo dadkaasi niyadda jabay waxay raadinayaan wax kale.'"
Ibn Warraq wuxuu haddana qaadaa dhigay hawsha ama adeega uu qabto Brother Rachid ee AL-Hayat TV.
​

"Ilaa iyo markii uu bilaabay barnaamijkiisa ka baxa Al-Hayat TV, Rachid wuxuu noloshiisa u hibeeyey inuu difaaco inay Muslimiintu xaq u leeyihiin inay Masiixi noqdaan, ama ay diintooda u beddelaan sida ay iyagu ku qanacsan yihiin, gaar ahaan waddankiisa Marooko. Brother Rachid kama cabsado inuu Islaamka daldalooladiisa sheego, ama tilmaamo sida uu iimaanka Masiixu uga fiican yahay ka Islaamka, oo wuxuu arrimahan ka waraystay dad hadalkoodu muran dhaliyo oo ay ka mid yihiin Robert Spenser, iyo Christoph Luxenberg. Wuxuu Rachid rumaysan yahay in tobankii sanno ee la soo dhaafay dadka Masiixiyiinta noqday, ee Marooko oo keliya gaadhayaan 40,000 ilaa 60,000. Ilaa iyo markii uu bilaabay barnaamijkiisa 2007, waxaa bishiiba loo soo qorayey ilaa 13,000 oo emaillo ah. Qoraal ay daabacday Marocco World News, waxaan ka ogaaney inuu Rachid 'YouTube-ka geliyey fiidiyow uu Quraanka ku turjumayo nooc af-Carabiga ah oo Marooko uun lagaga hadlo. Arrintan oo ay Muslimiin badan oo reer Marooko ahi u arkaan gardarro.'"

Xogo dheeraad ah:
 

Halkan ka akhri Qoraalkii Ibn Warraq oo dhan oo af-Ingiriis ah:          
http://www.newenglishreview.org/Ibn_Warraq/Conversions_from_Islam_to_Christianity/
 
Brother Rashiid wuxuu halkan Madaxweyne Obama ugu sheegayaa dabeecadda dhabta ah ee ISIS/Daacish: https://www.youtube.com/watch?v=5iZ6u-vqUxc
 Bogga YouTube-ka ee Brother Rachid:
https://www.youtube.com/user/BROTHERRACHID
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    Picture

    Author: Abdi Duale

    Archives

    September 2019
    November 2018
    September 2018
    June 2018
    May 2018
    April 2018
    March 2018
    December 2017
    August 2017
    May 2017
    February 2017
    December 2016
    November 2016
    September 2016
    August 2016

    RSS Feed

    AKHRISYO DHEERAAD AH
    (Guji sawirka oo akhriso)
    Picture
    Picture
    Picture
    Picture
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US