SOMALI BELIEVERS FELLOWSHIP
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Nuux iyo Aaminimada Ilaahay

19/8/2016

0 Comments

 

Bilowgii 8, 9

​Casharkan, qorsheheenu waa inaynu dhammayno qisadii nebigii Ilaahay ee Nuux. Marka hore aynu nakhtiino wixii aynu hore ugu soo barannay labadii barnaamij ee ku saabsanaa Nuux iyo daadkii weynaa. Cutubka lixaad ee kitaabka Bilowgii, waxaynu ku soo aragnay inuu sharkii bini'aadanku aad u weynaa berigii Nuux noolaa; damac kasta oo qalbiga bini'aadanka ka soo baxaa wuxuu ahaa shar. Taasina waa sababtii uu Ilaahay u go'aansaday inuu adduunka daad ku soo daayo si uu uga tirtiro dembiile kasta oo diidey inuu dembiyadiisa ka soo noqdo oo Ilaaha runta ah ee nool u soo laabto.
​Qoonkaa sharka miidhan ah, nin keliya ayaa Ilaahay ka raali noqday. Kaasina wuxuu ahaa Nuux. Nuux Ilaahay buu aaminey oo jeclaa. Waana sababtaa tii uu Ilaahay maalin maalmaha ka mid ah, ula hadlay Nuux, oo ugu amray inuu doon weyn dhiso, taas  oo ay daadka kaga magan geli dooneen isaga, qoyskiisa iyo xayawaan badani. Boqol sanno ayuu Nuux oo ay qoyskiisiina caawinayaan dhisayey doontii, isagoo isla markaana dadkii ku guubaabinaya inay toobad keenaan oo ay erayga Ilaahay rumeeyaan. Sidaas oo ay tahay qofna dhegaha jalaq uma siin wacdiskii Nuux. Qofna ma rumayn wixii uu Nuux iyaga u sheegayey ee ku saabsanaa daadkii imaanayey!
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la soo gaadhey maalintii doontu diyaar noqotay. Waxaa timid saacaddii uu Ilaahay xukumayey sharkii adduunka. Ilaahay wakhti dheer buu u dulqaadanayey kuwii Isaga ku kajamayey, laakiinse hadda dulqaadkiisii wuu dhammaaday. Ilaahay wuxuu Nuux u sheegay inay isaga iyo reerkiisii doonta galaan, oo ay xayawaan kasta oo xalaal ah 7 lab ah iyo 7 dhedig ka qaadaan, xayawaannada aan xalaasha ahayna 2 lab ah iyo dhedig ah. Nuux iyo qoyskiisii iyo xayawaanadii waxay galeen doontii. Wuxuu Qorniinku odhanayaa: "Oo Ilaahna wuxuu ku xidhay iyagii." Ilaahay, oo albaabkii badbaadada u furay farcankii Aadan, ayaa ahaa Kii isla albaabkaa xidhay. Maalintii naxariista Ilaahay waa dhammaatay; oo maalintii cadhadiisa weyn ayaa timid! 
Dabadeedna waxaa bilowday hilaac, onkod iyo dhulkii oo gariira. Roob aan kala go' lahayn ayaa soo da'ay oo dhulkii daad ku qarqiyey. Qof kastaa wuu baxsaday, oo isku deyey inuu buuraha fuulo, laakiinse qofna kama baxsan karin cadhada quduuska ah ee Ilaahay! Wakhtigii badbaadadu waa dhammaaday oo Ilaahay albaabkii wuu xidhay.
Afartan maalmood iyo afartan habeen ayaanu roobku kala go'in, dhulka hoostiisana biyo ayaa ka soo burqanayey, ilaa xataa biyihii buurihii ka kor mareen oo qariyeen. Laakiinse doontii way sabayneysey. Kitaabka Towreeddu wuxuu odhanayaa;
"Oo wax kasta oo jidh leh oo dhulka ku dul dhaqaaqaaba way dhinteen. Waxaa la wada baabbi'iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi'iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii." (Bilowgii 7:21,23)
Qorniiku wuxuu qorayaa inuu Ilaahay ciqaabtii u meel mariyey isla sidii uu Isagu ugu ballanqaaday. Noole kasta oo doonta dibaddeeda joogey wuu dhintay. Ilaahay waa mid aamin ah oo Eraygiisa xejiya.
Maxaa ku dhacay kuwii doonta gudaheeda ku jirey? Ilaahay miyuu ilaawey Nuux iyo reerkiisii? Ilaahay, oo quudiya shimbiraha hawada, oo aan midkoodna ilaawin, iyagana muu ilaawin. Aynu akhrino sidan ku qoran Kitaabka Bilowgii cutubka sideedaad. Sidan ayuu Erayga Ilaahay odhanayaa:
"Oo Ilaah wuxuu xusuustay Nuux, iyo wixii noolaa, iyo xoolihii doonnidii kula jiray isagii oo dhan; oo Ilaah dabayl buu dhulka dul mariyey, biyihiina way dhinmeen ...Oo bishii labaad, maalinteedii toddoba iyo labaatanaad, ayaa dhulkii engegay." (Bilowgii 8:1,4)
Markaa, waxaynu arkaynaa inuu Ilaahay xasuustay Nuux iyo kuwii doonta kula jirey. Dabayl ayuu adduunka u soo diray si ay biyihii u gudhaan. Ilaahay doontii buu hoggaamiyey oo waxay ku dul degtey buur la yidhaahdo Araraat. Kaddib markii ay Nuux iyo qoyskiisii doontii ku jireen hal sanno iyo hal usbuuc, ayaa biyihii dhulka qariyey intoodii badnayd gudheen. Dabadeedna wuxuu Ilaahay ku yidhi Nuux, "Doonnida ka baxa adiga, iyo naagtaada, iyo wiilashaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba." Oo Nuux iyo qoyskiisii iyo xayawaankii oo dhammuba doontii way ka baxeen. Markii uu doontii ka baxay, wuxuu isagu isla markiiba dhisay meel alabari lagu qalo, oo wuxuu soo qabtay xayawaano xalaal ah oo Ilaahay buu halkaa ugu allabaryey.
Ma aragtaa wixii ugu horreeyey ee Nuux sameeyey kaddib markii uu doonta ka baxay? Xayawaan aan iin lahayn buu ku allabaryey. Ilaahay muu masaxin qaynuunkiisii odhanayey: "Dhiig daadin la'aan dembidhaaf ma jiro" (Cibraaniyada 9:22) Iyada oo daadkii weynaa dhulka korkiisa ka halaagey dembiileyaasha intoodii badnaa, haddana kaasi ma goyn xididkii dembiga ee weli ku jirey qalbiyada bin'aadanka. Taasina waa sababtii ay Nuux iyo farcankiisii u sii wadeen inay dembiyadooda allabari u bixiyaan. Sidii aynu soo aragnay, allabariyadaa xayawaanku waxay hordhac u ahaayeen jidka badbaadada ee uu Ilaahay diyaariyey. Allabariyadaa awooweyaasheen qarniyadaa hore bixin jireen, waxay calaamad u ahaayeen Bixiye imaanayey oo dhiiggiisa daadin dooney si uu u bixiyo deyntii dembiga ee farcankii Aadan. Waa sababtaa tii uu Nuux, isla markii uu doonta ka baxayba dhiig xayawaan u daadiyey, isaga oo carruurtiisa iyo carruurtooda tusaya inaan qaynuunadii Ilaahay is beddelin, kuwaas oo ahaa:"Mushahaarada dembigu waa dhimasho" (Rooma 6:23) iyo "dhiig daadin la'aan dembidhaaf ma jiro." (Cibraaniyada 9:22)
Sidaa daraadeed wuxuu Qorniinku odhanayaa:
"Rabbiguna wuxuu uriyey caraftii udgoonayd (ee allabariga)...Oo Ilaah waa barakeeyey Nuux iyo wiilashiisii, oo wuxuu ku yidhi, 'Wax badan dhala, oo tarma, oo dhulka ka buuxsama...Anigu axdigayga baan idinku adkaynayaa, idinka iyo farcankiinna idinka dambeeya...Inta jidh leh oo dhan mar dambe biyo daad ah laguma baabbi'in doono; daad dambe oo dhulka baabbi'iyaana mar dambe ma jiri doono...Waa tan calaamadii axdiga aan idinla dhiganayo idinka iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, tan iyo qarni kasta. Waxaan qaansadayda ku dhex dhigay daruurta, waxayna noqon doontaa calaamadii axdiga dhex yaal aniga iyo dhulka. Waxaana dhici doonta, markii aan dhulka daruur dul keeno, in qaansada lagu arki doono daruurta dhexdeeda, oo waxaan xusuusan doonaa axdigayga ina dhex yaal aniga iyo idinka iyo uun kasta oo nool oo jidh kasta leh; biyuhuna dib dambe ma noqon doonaan daad baabbi'iya inta jidh leh oo dhan." (Bilowgii 8:21; 9:1,9,11-15)
Aayadahaas kor ku xusan waxaa ku jira hal eray oo Ilaahay shan jeer Nuux ugu celceliyey. Erayga "Axdi." Axdigu waa ballanqaad khaas ah oo Ilaahay u sameeyo bini'aadanka. Ilaahay waa kii axdiyadiisa dhowra. Ilaahay waa runlow aamin ah, oo wuxuu doonayaa inuu aaminimadiisa tuso carruurtii Aadan! Taasina waa sababta uu wanaaggiisa daraaddiis, Axdi ula dhigtay Nuux iyo kuwii ka soo farcamay Isaga oo leh, "Inta jidh leh oo dhan mar dambe biyo daad ah laguma baabbi'in doono." Sidaas ayuu Ilaahay ku ballanqaaday, oo ballanqaadkiisa eraygo keliya kuma ekayne, wuxuu ku saxeexay qaanso roobaadkiisa uu daruuraha dhexdooda ka muujiyey.
Adigu ma ogtahay in Qaanso roobaadka quruxda badan ee aynu mararka qaarkood daruuraha dhexdooda ka aragno roobka kaddib ay tahay calaamad muujinaysa aaminimada Ilaahay? Mar kasta oo aynu qaansadaa daruuraha ku dhex aragno, Ilaahay wuxuu ina xasuusinayaa aaminimadiisa weligeed jirta farcan ilaa ka farcan. Ilaah wuxuu qaansadaa daruuraha dhexdooda ugu sameeyey inuu tuso axdigii uu ku ballanqaaday inaan biyuhu mar dambe noqon doonin daad weyn oo nolol oo dhan baabi'iya. Run ahaantii, Ilaahay waa kii ballammadiis xejiya. Isagu waa runlow aamin ah!
Intaa markii ka dambeysey, waxaa jira waxyaalo badan oo noloshii Nuux ah oo aynu ka hadli karno, taas oo aad ka akhrin kartaan Towreedda, Kitaabkeeda Bilowgii cutubka sagaalaad. Oo waxaad arki doontaan inuu daadka kaddib Nuux noolaa 350 sanno oo kale, iyo inuu markii uu gaboobey kaddib uu u noqday Ilaaha Weyn ee isaga abuuray(dhintay).
Gabagabo ahaan, waxaynu casharradeena ku saabsan nebi Nuux ku soo gunaanadaynaa su'aal ama labo. Maxaa farqi ah oo u dhexeeyey Nuux iyo qoonkiisii? Muxuu Nuux sameeyey oo Ilaahay isaga raali uga noqday? Mid keliya uun buu isagu sameeyey. Nuux wuxuu rumeeyey Erayga Ilaahay. Sidaa daraadeed Nuux lalama halaagin qoonkiisii. Sidan ayaa Ilaahay Laftiisu inooga sheegayaa Nuux:
"Nuux oo Ilaah uga digay waxyaalo aan weli la arkin ayaa cabsaday, oo rumaysad buu ku diyaariyey doonni in reerkiisu ku badbaado, sidaasuu dunida u xukumay oo ku noqday mid dhaxla xaqnimada rumaysadka ku timaada. Oo rumaysad la'aantiis ma suurtowdo in Isaga{Ilaah} laga farxiyo." (Cibraaniyada 11:7,6)
Laba su'aalood ayaan adiga ku weydiineynaa: Adigu si dhab ah ma u rumaysan tahay Erayga Ilaahay? Nuux wuxuu rumeeyey Ilaahay eraygiisii isaga oo adeecay amarkii uu isaga faray. Su'aasha kalena waa; adigu ma rumaysan tahay inuu Ilaahay aamin yahay? Ma ku kalsoon tahay inuu Ilaahay axdigiisa ama ballammadiisa fulin doono?
Waxaynu qisada Nuux si cad uga arkaynaa inuu Ilaahay sameeyey wax kasta oo uu Isagu ku ballanqaaday. Waxaynu soo akhrinay inuu Ilaahay badbaadiyey dhammaan kuwii doonta gudaheeda ku sugnaa oo uu xukumayd dhammaan kuwii doonta dibaddeeda joogey, isla sidii uu Isagu ballanqaaday. Waxaynu kaloo soo aragnay sidii uu Ilaahay uga saamaxay Nuux dembiyadiisii waayo isagu wuxuu allabari ahaan u bixiyey dhiig xoolaad, isla sidii uu Ilaahay u sheegay inuu isagu sameeyo. Waxaynu kaloo soo aragnay sidii uu Ilaahay qaanso roobaadkiisii daruuraha dhexdooda ugu abuuray si aanay Nuux iyo dadka oo dhammuba u ilaawin inuu "Ilaahay aamin yahay."
Isagu wuu samayn doonaa wax kasta oo uu ballanqaaday. Xasuusta aayadadan Erayga Ilaahay ku qoran:
"Ilaah waa aamin....  Oo kii Isaga rumaystaa ma ceeboobi doono." (1 Korintos 1:9: 1 Butros 2:6)
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    "Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyin-
    kaygana iftiin. Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah." (Sabuurradii 119:105)

     "Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa." (Sabuurradii 107:1)

    "Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee."
    ​
    (Yooxanaa 14:6
    )

    "Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix."
    ​(Rooma 6:23)
    "Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene."
    (2 Korintos 5:17)
    "Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa." (Filiboy 4:4) 
    ​"Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 
    laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya."
    ​
    (Matayos 5:43,44) 

    "Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah." (Rooma 3:23)
    "Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey." (Rooma 5:8) 
    "Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa."
    (Fallimaha Rasuullada 1:11)
     
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US