SOMALI BELIEVERS FELLOWSHIP
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Ballanqaadkii Weynaa

19/8/2016

0 Comments

 

Bilowgii 3

​Casharkeenii ugu dambeeyey, waxaynu ku soo aragnay sidii ay Aadan iyo Xaawa uga dheeraadeen Ilaahay kaddib markii ay geedkii uu Ilaahay ka xaaraameeyey cuneen. Sidaa daraadeen, dadkii uu Ilaahay u ekaanshihiisa ka abuuray, waxay doorteen inay Shaydaanka raacaan, oo Ilaahay cadow ku noqdaan. Tan aawadeed, Ilaahay wuxuu iyaga u sheegay wixii uu dembigu adduunka keeni dooney: dhibaato iyo silic, qodax iyo gocondho, xanuun iyo dhimasho. Dembigaas iyo cawaaqibkiisu kuma uu ekaan Aadan iyo Xaawa oo keliya e, wuxuu ku faafay oo saameeyey dhammaan bini'aadanka farcoonkoodii ah. Qorniinka quduuska ahi wuxuu odhanayaa:
"Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay. (Rooma 5:12) "Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah. (Rooma 3:23) laakiinse xumaatooyinkiinnaa idin kala soocay idinka iyo Ilaahiinna, oo dembiyadiinnaa wejigiisa idinka qariyey. (Ishacyaah 59:2)
Dembigii Aadan ayaa bini'aadanka oo dhan Ilaahay ka dheereeyey. Isla maalintii uu Aadan adeeci waayey Ilaahay, Aadan (iyo bini'aadanka dhalan dooney oo dhammi) way ka baxeen boqortooyada iftiinka oo galeen boqortooyada mugdiga. Iyagu dib dambe qayb kuma lahayn Boqortooyada Ilaahay. Dembigoodii daraaddiis, hadda qaybtoodii waxay la yeesheen Shaydaanka, kaas oo iyaga ka dhigtay maxaabiis iyo addoomo. Hadda, waxay noloshan ka sugi kareen ma jirin oo aan ka ahayn dembiga oo iyaga addoonsada iyo baqdin ay dhimashada ka qabaan, aakhirona, in abadiyan lagu ciqaabo dab aan demeyn!
Haddii uu Erayga Ilaahay halkaa ku dhammaan lahaa, rajo maynu lahaaneen oo halaag baa inoo sugnaan lahaa. Haddii uusan Ilaahay inoo fureen jid badbaado si uu u badbaadiyo carruurta Aadan, halaag abadiyan ah baa inagu dhici lahaa! Laakiinse waxaa ammaan leh Rabbiga Ilaaheena ah, Qorniinka nebiyaduna qisadii dembigii Aadan halkaa kuma ay joojin. Ilaahay, oo naxariistiisu weyn tahay, ayaa albaab badbaado u furay carruurta Aadan! Oo, Erayga Ilaahay wuxuu odhanayaa:
"Meeshii dembigu ku batay, nimcada {Ilaahna} way ka sii badatay aad iyo aad. (Rooma 5:20) "Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan. (Luukos 2:10) "Waayo, nimcadii Ilaah way muuqatay, iyadoo badbaado u keenaysa dadka oo dhan. (Tiitos 2:11).
Sidii aynu hore u soo barannay, Ilahaya waa quduus sidaa daraadeed waa inuu dembiileyaasha xukumaa. Ilaahay waa xaqaani oo isagu dembiga iskama "ilaawi" karo. Waa inuu Isagu dembi kasta ciqaabaa. Oo ciqaabta dembiguna waa dhimasho iyo abadiyan oo Ilaahay laga dheeraado. Ilaahay marna isma beddelo, oo ciqaabta dembiguna marna isma beddesho. Laakiinse, maanta, waxaynu Erayga Ilaahay ka akhrinaynaa sidii uu Ilaahay, Ka Quduuska ahi, u diyaariyey ama u habeeyey qorshe uu dembiileyaasha kaga samato bixinayo ciqaabta dembiga. Markaa, waxaynu baran doonaa inuu Ilaaha Quduuska ahi, sidoo kale yahay Ilaah naxariis badan! Ilaahay, Xaakinkeenu, wuxuu doonayaa inuu Badbaadiye noqdo!
Casharkan waxayu ku arki doonaa in, isla maalintii ay Aadan iyo Xaawa dembaabeen, uu Ilaahay bilaabay inuu shaaciyo qorshihiisii cajiibka ahaa ee uu dembiileyaasha ku badbaadinayey. Aynu Towreedda sii wadno, kitaabka Bilowgii, si aynu warkan wanaagsan u baranno. Aynu akhrino cutubka 3, aayadda 15: Ilaahay wuxuu Shaydaankii oo abeeso iska soo dhigay ku yidhi: "Oo colaad baan idin dhex dhigi doonaa adiga iyo naagta, iyo farcankaaga iyo farcankeeda; oo madaxaaguu burburin doonaa, adiguna cidhibtiisaad burburin doontaa."
Aayaddan adag waxaa ku jira xaqiiqooyin aad iyo aad muhiim u ah oo ay nebiyadii Ilaahay gadaal si faahfaahsan uga sharixi dooneen. Waxaa aayadan si kooban loogu sharixi karaa: Ilaahay ayaa bilaabayey inuu shaaciyo qorshihiisa ah inuu adduunka u keeni dooney Badbaadiye {ama Bixiye} kaas oo carruurta Aadan ka samato bixin doona addoonsiga Shaydaanka. Tani waa aayadda ugu horraysa ee sheegeysa imaanshaha Dhexdhexaadiye quduus ah {ama Shafeeco-qaade }. Aayaddan dhexdeeda, aynu ka soo qaadano afar xaqiiqo oo ku saabsan Badbaadiyaha uu Ilaahay ballanqaaday inuu soo dirayo.
1.) Runta koowaad waa: Ilaahay wuxuu shaacinayaa sida uu bixiyahani uga dhalan doono haweeney keliya, taasi waa, bikrad. Dhammaanteen waxaynu leenahay waalid lab iyo dheddig ah. Laakiinse, Badbaadiyaha imaan dooney, wuxuu keliyoo haweeney kaga dhalan dooney awoodda Ilaahay daraaddeed. Isagu ma yeelan doono aabbe bini'aadan ah. Badbaadiyaha adduunku kama imaan karin Aadan, maaddaama farcanka Aadan oo dhan uu dembi wasakheeyey. Badbaadiyaha dembiileyaashu waa inuu bilaa dembi ahaadaa. Waa inuu Isagu Ilaaha samaawiga ah ka yimaaddaa. Markaa, waxa ugu horreeya ee aynu aayaddan ka baran karnaa waa sidan: Bixiyaha quduuska ah ee Ilaahay ballanqaaday wuxuu noqon doonaa farcan haweeney, laakiinse ma noqon doono farcan nin.
2.) Waxaa jirta arrin kale oo uu Ilaahay shaaciyey maalinti ay Aadan iyo Xaawa dembaabeen. Iyadoo uu ka hadlayo Badbaadiyahaa la ballanqaaday, ayuu Ilaahay ku yidhi Shaydaankii: "Cidhibtiisaad burburin doontaa." Markaa, Ilaahay wuxuu ina ogeysiinayaa sida uu Shaydaanku u dhibi doono Badbaadiyaha uu Ilaahay samada ka soo diri dooney. Casharradeena dambe ayaynu ku eegi doonaa sidii ay nebiyadii uga sii hadleen sida uu Shaydaanku dadka u kicin doono si ay u silciyaan, oo u jidh dilaan, oo u dilaan Bixiyahaa. Bixiyahaa la silciyey ayaa qorshaha Ilaahay qayb ka noqon doona. Si Ilaahay dib la inoogu soo celiyo, waa inuu Badbaadiyaha adduunku u dhintaa sidii allabari dembi; Ka xaqa ah oo innaga inoo dhimanaya, kuweena aan xaqa ahayn. Isaga ayaa doonaya inuu naftiisa u bixiyo ciqaabta dembiga: dhimashada.
3.) Xaqiiqada saddexaad ee Bixiyaha ku saabsani waa inuu Ilaahay u sheegay Shaydaanka, kaas oo abeesadii isu soo ekeysiiyey, "inuu (Bixiyahu) madaxiisa (Shaydaanka) burburin doono." Kaasi war xun buu Shaydaanka u ahaa, laakiinse war wanaagsan buu u yahay qof walba oo doonaya in laga samata bixiyo awoodda Shaydaanka, dembiga iyo naarta! Markaa, Ilaahay wuxuu bilaabay inuu sii sheego inuuBixiyahu, ugu dambaynta ka adkaan doono ibliiska oo uu xoreyn doono carruurta Aadan ee adoomada u noqday dembiga.
4.) Ugu dambayntana, Ilaahay wuxuu bilaabay inuu sii sheego inay adduunka ka jiri doonaan laba kooxood oo dad ahi: dadka Shaydaanka iyo dadka Ilaahay. Dadka Shaydaanku waa kuwa diida inay rumeeyaan Erayga Ilaahay. Dadka Ilaahayna waa kuwa rumaysan Erayga Ilaahay ee aamina Bixiyaha la ballanqaaday. (Yooxanaa 1:9-13)
Markaa, maalintii ay Aadan iyo Xaawa dembaabeen, Ilaahay wuxuu bilaabay inuu ogeysiis ka sii bixiyo qorshihiisa cajiibka ah ee wanaagsan ee uu dembiileyaasha ku samato bixinayo. Casharradeena soo socda ayaynu ku eegi doonaa sidii ay dhammaan nebiyadii Ilaahay u sii sheegeen imaanshaha Badbaadiyaha quduuska ah kaas oo dembiileyaasha ka soo furan doona gacanta ibliiska. Haddii aadan weli fahansaneyn, ha welwelin, waayo inta aynu casharradeenan taxanaha ah sii baranaynoba, fahankaagu wuu sii kordhi doonaa.
Aynu akhrino aayadaha ugu dambeeya cutubka 3-aad ee kitaabka 1-aad ee Towreeda: Sidan ayuu Erayga Ilaahay odhanayaa:
"Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu Aadan iyo naagtiisii u sameeyey dhar harag ah, wuuna u xidhay iyagii. Oo Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu yidhi, Ninku wuxuu noqday sidii mid innaga mid ah, isagoo garanaya wanaagga iyo xumaanta; oo haatan, waaba intaasoo uu gacantiisa soo fidiyaa, oo uu wax ka qaataa geedka nolosha, oo uu cunaa oo uu weligiis noolaadaa: sidaas daraaddeed Ilaah isaga wuu ka saaray Beer Ceeden, si uu u beerto dhulkii isaga laga soo qaaday. Kolkaasuu ninkii eryay; Beer Ceeden barigeedana wuxuu taagay Keruubiim, iyo seef ololaysa, oo dhan walba u jeesanaysa, si ay u dhawrto jidka geedka nolosha." (Bilowgii 3:21-24)
Halkan ayuu cutubka saddexaad ku dhammaanayaa. Laakiinse inta aynaan ka gudbin aynu ka fekerno xaqiiqooyin muhiim ah oo aayadahan ku jira.
Erayga Ilaahay wuxuu odhanayaa: " Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu Aadan iyo naagtiisii u sameeyey dhar harag ah, wuuna u xidhay iyagii." Ma xasuusataa wixii ay Aadan iyo Xaawa sameeyeen kaddib markii ay cuneen geedkii aqoonta wanaaga iyo xumaanta?Caleemo berde ayay isku tosheen oo dhexda ku xidheen si ay ceebtooda Ilaahay uga qariyaan. Ilaahay miyuu aqbalay dharkaas ay samaysteen, ee ay caleemaha ka sameeyeen? Maya, ma aqbalin! Muxuu Isagu u raali uga noqon waayey dharkaas ay iyagu samaysteen? Waayo, Ilaahay wuxuu Aadan iyo Xaawa barayey inuu Isagu yahay iin-laawe, uusan aqbalayn camallada ama shaqooyinta iinta leh ee bini'aadanka. Iyadoo uu Qorniinku tan ka hadlayo, ayuu sidan odhanayaa: "Waayo, kulligayo waxaannu noqonnay sida wax aan nadiif ahayn, oo xaqnimadayada oo dhammuna waa sida dhar wasakh ah." (Ishacyaah 64:6) Ma jiro wax bini'aadanku samayn karo si uu dembiyadiisa Ilaahay hortiisa ugu daboolo.
Laakiinse, Ilaahay mid buu bini'aadkii u sameeyey, Ilaahay xayawaan buu qalay, oo haraggii ka bixiyey oo wuxuu Aadan iyo Xaawa u sameeyey dhar harag ah. Haa,Ilaahay ayaa neefkii allabariga ahaa ee ugu horreeyey qalay. War maxay naxdin ku ahayd Aadan iyo Xaawa markii ay arkeen dhiigii oo ka daadanaya xayawaankii uu Ilaahay qalay! Dhiiggaa la daadiyey ee neefkaa, ayaa Ilaahay Aadan iyo Xaawa ku barayey in "mushahaarada dembigu ay dhimasho" tahay (Rooma 6:23), iyo inaan "dhiig daadin la'aan dembidhaaf jirin." (Cibraaniyada 9:22) Waa in ciqaabta dembiga la bixiyaa. Oo ciqaabta dembigu waa dhimasho. Ilaahay wuxuu dhaafi karaa oo keliya dembiyada laga kafaaro gudey ama la bixiyey. Neef saafi ah oo aan dembi lahayn ayay noqotay inuu u dhinto booskii dembiilihii eedeysnaa. Sidan oo keliya ayuu Ilaahay dadka dembiyadooda kaga saamixi karaa iyada oo aan xaqnimadiisa meel ka dhac ku imaanayn.
Ilaahay ayaa aasaasay allabariga xoolaha si uu dembiileyaasha u xasuusiyo inay mushahaarada ama ciqaabta dembigu dhimasho tahay. Allabariga xooluhu wuxuu calaamad u ahaa ama tusaale ka sii bixinayey Bixiyaha quduuska ah ee adduunka imaan dooney si uu dhiiggiisa ugu daadiyo kafaara gudka dembiga. Mar dambe ayaynu tan wax dheeraad ah ka baran doonaa. Casharkanse, aynu niyadda ku hayno inuu Ilaahay dhiig xoolo daadshey si uu u daboolo ceebtii Aadan iyo Xaawa.
Dabadeedna, Ilaahay wuxuu Aadan iyo Xaawa ka saaray Beertii ama beertii jannada oo kale ahayd ee Ceeden. Malag seef ololeysa oo dhalaalaysa haysta ayuu jidkii geedka nolosha loo marayey waardiye uga dhigay. Aadan iyo Xaawa jidkii dhimashada ayay doorteen markii ay cuneen midhihii uu Ilaahay iyaga ka xaaraameeyey. Taas daraadeedna, iyagu dib dambe uguma haysan karin barakooyinka wanwanaagsan ee Beerta Jannada. Hore ayaynu u soo aragnay sidii uu Ilaahay hortiisa uga caydhiyey oo dibedda ugu saaray Shaydaanka dembigiisii daraaddiis. Haddana waxaynu arkaynaa sidii uu Ilaahay dibedda ugu tuuray Aadan iyo Xaawa dembigoodii daraaddiis. Ilaahay waa Ka Quduuska ah, oo waa inuu Isagu ciqaabaa waxa aan quduuska ahayn.
Haddaba walaalayaal, aynu labadan arrimood niyadda ku hayno: Kow, Ilaahay waa Mid Quduus ah. Ilaahay dembi uma dulqaadan karo. Waana sababtaa tii uu Aadan iyo Xaawa u xukumay oo iyaga beertii uga saaray. Laba, Ilaahay waa Mid Naxariis badan. Aadan iyo Xaawa uma qalmin naxariista Ilaahay. Waxay keliyoo u qalmeen xukunka Ilaahay. Laakiinsse, Ilaahay ma doonayo inay dadku halaagmaan. Waana sababtaa tii uu u ballanqaaday Badbaadiye, kaas oo dembiileyaasha ka badbaadin kara mugdiga boqortooyada Shaydaanka, oo iyaga geyn kara iftiinka iyo ammaanta Boqortooyadda Ilaahay.
Yaan lagu sirin: Nariista Ilaahay marna ma lid kuma aha xaqnimada ama caddaaladda Ilaahay. Labadan dabeecadood ee Ilaahay way isla shaqeeyaan. Casharradeena soo socda ayaynu ku arki doonaa sida uu Ilaahay dembiileyaasha ugu naxariisan karo, isaga oo aan xaqnimadiisa lumin.
Casharkeena kan ku xiga waxaynu ku eegeynaa labadii wiil ee Aadan iyo Xaawa: Qaabiil iyo Haabiil. Ilaa iyo markaa ka sii feker aayaddan Qorniinka ku qoran: 
"Meeshii dembigu ku batay, nimcada {Ilaahna} way ka sii badatay aad iyo aad."(Rooma 5:20)
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    "Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyin-
    kaygana iftiin. Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah." (Sabuurradii 119:105)

     "Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa." (Sabuurradii 107:1)

    "Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee."
    ​
    (Yooxanaa 14:6
    )

    "Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix."
    ​(Rooma 6:23)
    "Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene."
    (2 Korintos 5:17)
    "Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa." (Filiboy 4:4) 
    ​"Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 
    laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya."
    ​
    (Matayos 5:43,44) 

    "Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah." (Rooma 3:23)
    "Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey." (Rooma 5:8) 
    "Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa."
    (Fallimaha Rasuullada 1:11)
     
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US